Sheekooyin Jacayl
11.9K subscribers
43 photos
1 video
1 file
349 links
Kanaalkaan @SheekooyinJacayl waa kanaal aad ka heli doonto
Sheekooyin isugu jira /Jacayl❀️ /Qosol😁 /Taxaneβ†ͺ️ /sheekooyin iyo /Qoraalo xiiso badan😘

***
Maamule: @Abwaan_Saajac
Download Telegram
Sheekooyin Jacayl
QUDBO SIIRO | Q7AAD Ka dib markii uu Baasim Albaabka nagu soo garaacay aniga iyo Sabri oo qolkii ku jirna waan naxay oo Sabri baan ku iri is qari, isna aad buu u naxay oo wuu dhaqaaqi waayey, ka dib Baasim ayaa Albaabkii gil-gilay wuuna furi waayey, ka dib…
QUDBO SIIRO | Q7"2AAD

Ka dib wuu aqbalay inuu lacagta ii qoro oo uu ii saxiixo, lakiin waraaqdii uu ku saxiixay isaga ayaa haystay, wuxuuna yiri ilaa aad iiga soo qaadeyso Baasim waxeynu ku balanay waraaqda gacanta kaama gelinaayo, haye baan iri waana is raacnay oo Qolkii Baasim baan galnay isagoo Suuliga ku jira.

πŸ‘
❀️
πŸ’¬
βœ…

➑️  t.me/SheekooyinJacayl
Sheekadu way Daahday, Sababo jira Awgood Raali Ahaada, Sheekadana Reactionka Ubadiya.

πŸ‘β€οΈ
QUDBO SIIRO | Q8AAD.

Ka dib khasnad qolka u dhextaalay baan ka soo saaray Waraaqo badan ninkana waan hordhigay si uu ugala baxo intuu doonayo markii uu dhamaystay baan Qasnadii xirnay waxaana is niri qolka k asoo baxa anagoo sii socona baan aragnay Sabri oo qoslaayey oo mobilkiisana kor u haya, waxaana ogaaday inuu na duubaayay Ninkii sidii buu iskaga tagay waxaana la gaaray Subaxnimadii Arooska Aniga iyo Baasim.
Subaxii baan bilaabay inaan is hagaajiyo, ka dib koofeerkii baan tagay oo lay hagaajinayey ilaa habeenkii, habeenkii markii ley keenay Hoolkii Arooska dhamaanteen waan wada faraxsanayn dad badanina wey ka soo qayb galeen.
Ka dib markuu Arooskii dhamaaday waxaan tagnay Aniga iyo Baasim hotel ka mid ah, hoteelada loogu jecel yahay, uguna weyn Magaalada markaan qolkii galnay ee aan in yar joognay baa waxaa Albaabka nagu soo garaacay qof. waan yaabay Baasim baa yirii Anigaa furaya markuu furay wuxuu noqday Ninkii hotelka oo carro noo sida lakiin markii uu cashadii Baasim ka qaaday ninkii waxa kale oo uu u dhiibay waraaq uu yiri qof baa kuu soo diray, wuuna tagay ninkii.
Baasim Albaabkii buu xiray, wuxuuna bilaabay inuu waraaqdii Akhriyo, markuu Akhriyayey wajigiisii ayaa is badalay, ka dibna wuu ii yeeray markaan u imi ayaa intuusan ila hadal waxa soo dhacay telfoonkeygii, ka dib waan qabtay mise waaba Barbaarisadii ilyaas yare haysay, waxaan weydiiyay waxay rabto, ka dib waxay igu tiri iyadoo Ooyeysa ilyaas yare ma hayo, mana garanaayo meel uu joogo, ka dib intaan naxay baan ku qeyliyey anoo leh: Sidee aan u haynin maanad adigu masuul ka ahayn oo aanad ahayn barbaarisadii bal sii raadi intaan imaanayo, ka dibna anoo naxsan oo Ooynaaya baan dhigay telefoonkii.
Kadib markaan telefoonkii dhigay Baasim ayaa igu yiri is daji Xanaaneey, anaa kuu keenaya ilyaas yare wax kastooy igu qaadato waxaan ku iri:- Miyaad garanaysa cidda Afduubtay ilmaha, ka dib wuxuu igu yiri: Eeg waxa ku qoran waraaqdii aan akhrinaayay hadda, wuu ii dhiibay.
Waxaana bilaabay inaan akhriyo waraaqda waxaa ku qornaa ilyaas anagaa afduubnay si aan idinku soo celino waxaad keentaan Lacag dhan 3000$ haddii aad isku daydaan inaad na diidaan ama aad Askarta noo sheegtaana waxaad ogaataan inaan ilmihiina dileyno, Maydkiisana bac idinku soo guri doono. ka dib anagoo naxsan baan hoteelkii ka tagnay aniga iyo Baasim waxaana tagnay gurigii.
Markii aanu tagnay gurigii waxa joogay Sabri iyo Saxar iyo niman kale uu Baasim u yeeray, ka dib Baasim baa yiri ilmaha ma dhici karto inuu qof dibada ka soo galo uu xado, balse waxaan ka shakisanahay inuu qof guriga ku nooli xaday, ka dib wuxuu yiri Baasim waxaan baarenayna kamaradaha guriga ku xiran si loo ogaado cidda xaday ilmaha, ka dib nin ka mid ah nimankii guriga joogay ayaa baaray kamaradihii Aqalka ku xirnaa, waxeyna ku soo koobeen saacadihii ilmaha la xaday, ka dib waa naloo shiday dhamaanteen, waxaana aragnay inay Saxar gashay qolka ilmaha yar oo ay soo qaaday.
Markii sidaa aanu u aragnay Saxar oo ilmihii qaadeysa ayuu Baasim yiri kamaradaha Bakhtiiya, ka dibna Saxar ayuu ku qayliyey oo uu ku yiri:- Waan garanaayey inaan qof kale xadin ilmaha yar oo aan adiga ahayn, waxaana waxaas u samaynaysa nacayb aad noo qabto Aniga iyo Xanaan Arooskeena aad ka xun tahay, ka dib wuxuu ku yiri Baasim Sabri:- Sabriyoow ina adeerkay baad tahay waadna ogtahay xukunka ay leedahay gabadha khiyaameysa Ninkeeda marka caa’iladeena la joogo ee ku dhawaaq xukunka wuxuu yirii Sabri waa Dil xukunkeedu, lakiin waxaan kugula talinayaa inaad hubsatid horta intaan waxba la fulin.
Baasim wuxuu yiri:- Maxaa la hubsanayaa kamaraduhu ma been bey sheegayaan, ka dib Baasim wuxuu ku amray Sabri inuu soo qaato basroolada oo uu dilo Saxar, wuuna aqbalay wuxuuna soo qaatay bastoolad isagoo ku jeediyey Saxar. ka dib Saxar dhinaceda waxay bilowday inay is difaacdo iyadoo Ooyeysa oo leh Kaamaradaha ha la wada baaro yaan ley dulmiyin anigu waxba maan Afduubin, ka dib aniga ayaa soo dhex galay hadalkii waxaana Maasim ku iri:- Maantoo kaliya aan wax kaa dalbadee fadlan yaan la dilin ee hadaanad doonayn iska fur.

πŸ‘
❀️
πŸ’¬
βœ…

➑️ t.me/SheekooyinJacayl
Ma tahey qof xiiseeya buug human resource management

Waxa diyaar ah buug human resource management

Waana English to somali pdf

Qiimaha waa 3$

Qiimaha u dambeeyo waa 1.5$

Sooo dhawaadda meesha waa meeshiina

Follow this link to join my WhatsApp group: https://chat.whatsapp.com/LUSn7ToLdjlC3fKzRGT0bd
Kani waa Tiktokgeyga Ku yaaca Asxpey Fallow iyo Like igasoo Dhisa
☟︎︎︎
https://vm.tiktok.com/ZMYY2uY1f/
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
QUDBO SIIRO | Q9AAD

Basim wuxu yiri:- Saxar waad iga furan tahay, weliba si aan soo noqod lahayn sadexdii dalqadodna wuu u yeeriyey, wuxuuna yiri:- Waa inaad iiga tanaasushaa dhammaan xoolaha oo dhan, wey yeeshay lakiin waxay tiri waad i dulmisy Baasimow ee kaamarqdaha guriga oo dhan eeg, marka laga bilaabo tariikhdii uu Sabri guriga inoogu yimid, ka dib Sabri wuxuu yiri:- Waa sax waynu hubinaynaa, dhanka kale Sabri ayaa aad u naxay markay Saxar intaa tiri, wuxuuna yiri:- Basimoow aniga ha iga shakiyin oo ha rumaysan beenaleydan Saxar, kadib Basim ayaa yiri:- Maya waan hubsanayaa oo ninkii buu hadana yiri dhamaan wada eeg kamardaha laga soo bilaabo taariikhdi uu Sabri guriga yimid lakiin intaan la eegin kamaradihi, bal maxaa dhacay ?.
Ka dib markii la damcay in kamaradihi guriga la shido waxa soo dhacay moobilkii Baasim wuu qabtay mise waaba dadkii xaday ilmaha yar oo Lacagtii madax furashada sii kordhiyey, waxeyba ka dhigen 6000$, ka dib Baasim ayaa moobilkii dhigay isagoo xanaaqsan, wuxuuna ninkii kamarada shidayey ku yiri iska dhaaf waxba ha shidin, ka dib intuu ku jeestay Saxar ayuu yiri:- iminkay ii cadatay inaad adigu waxaan oo dhan ka dambeysid waxaad la hadashay somaha dadkii ilmaha xaday oo aad ku tiri Madax furashada kordhiya ka dib waxa qeylisay Saxar oo tiri:- I rumayso cidna lamaan hadal maad maqashid wadigii i ag joogee.
Ka dib Baasim muu rumeysan ee wuxuu mar kale soo qaaday Baastoladii oo uu ku qabtay Saxar, wuxuuna ku yiri iminka dhakhso sheeg halka uu joogo ilyaas yare iyo cidaad u dhiibtay intaanan Madaxa kaagala dhicin baastooladan. ka dib aniga ayaa soo dhex galay, waxaana u sheegay Baasim inuu iska daayo haddii ay ilmaha Waqti kooban iigu keento, wuxuu yiri Wayahay,
Ka dib ayuu Saxar madaxa soo qabtay oo uu qol ku soo xiray isagoo leh Laba saacadood baad heysataa si aad ilmaha iigu keentid
Mudo kadib anagoo iska fadhina ayaa waxa noo soo galay Wardiyihii guriga ilaalinaayey isagoo sida ilyaas yare, markaan arkay inuu ilyaas sido aad baan ugu farxay waana ka soo qaaday, waxa la weydiiyey halka uu ka keenay ilmaha, kadib wuxuu yiri:- Gabar niqaban baa guriga hortiisa soo dhigtay oo carartay, ka dib Basim wuxuu tagay qolkii ay Saxar joogtay wuxuuna yiri:- Soco iiga bax guriga mar dambena Wejigaga ma arki karo, ka dib Saxar baa baxday iyadoo sii gunuunuceysa oo Sabri u dhaaraneysa. Ka dib maalintii sidii ayey ku dhamaatay waana la kala sexday.
Maalintii dambe waxaan soo kacay guriga oo qeylo ka yereyso waxaan ka soo baxay qolkii oo aan weydiiyey dadkii guriga waxa dhacay ka dib Basim ayaa i sheegay wuxuu yiri waxa la dilay gabar yar oo 12jir ahayd oo uu Sabri dhalay waan yaabay waxaan ku iri oo Sabri ma gabar ayuu qabay, kadib wuxuu ii sheegay inay tahay gabar ay kala tageen, waxaan ku iri:- Sabri aaway iminka, ka dibna wuxuu ii sheegay inuu baxay oo uu dad kalana kaxeystay si ay Saxar u soo radiyaan waayo iyadaa looga shakisan yahay iney dishay inanta yar, maxaa yeelay waatii Sabri u sii dhaaraneysay shalay markay baxaysay.
Ka dib waxa lasoo wacay lambarkii Basim, wuuna qabtay wuxuu gartay inay tahay Saxar codkeedi wuxuu ku yiri Maxaad rabtaa ? waxa ku tiri:- Waxaan kaa rabaa inaad ii soo celisid xoolihi aad iga qaaday iyo inaan ku siiyo falaash ay ku duuban yihiin dhamaan fadexadihi uu Sabri geystay.
Wuxuu weydiiyey halkey joogto ka dib waxay tiri Gaariga taagan tilmaanta aan kuu sheegayo baan ku jirnaa ee na soo gaar ina Aderkaana wuu ila joogaa intaanan dilin soo gaar.
Ka dib Basim baa u tagay, wuxuuna ka soo qaaday falaashtii, lacagtiina wuu siiyey, kadib gaarigii buu Baasim ku soo noqday oo wuu baxay. tii Saxar intay Sabri ka soo tuurtay gaarigii bey xoog u dhaqaajisay in yar intaanay dhaqaaqin gaarigeedii baa qarxay, Sabrina isagoo wadadii yaala waxaa soo gaaray dhaawac, ka dib Ciidankii anigu markey baareen waxa la ogaaday inuu Sabri Bambo ugu xiray Saxar gaariga si uu uga aargoosto, waayo waxay dishay inantiisii yareyd dhawr Cisho kadib Sabri dhawacii ayuu u dhintay soo gaaray, ka dibna isku soo haray oo nolol wanaagsan ku wada noolaaday Basim, Xanaan iyo ilyaas yare.

t.me/SheekooyinJacayl ❀️
Asxaabeey Waxaa Intaas ku eeg, Sheekadii Inoo Socatay Ee ahayd QUDBO SIIRO Oo ka koobnayd 9 Qaybood.
Markale iyo Sheeko Xiiso leh, "Comment Kusoo Qor Nooca aad Jeceshahay in ay Sheekadu Noqoto",

Waxa La ixtiraami Doonaa Dalabkiina.
M A H A D S A N I D I I N.

πŸ‘
❀️
πŸ’¬
βœ…

β†ͺ️ t.me/SheekooyinJacayl
Forwarded from Ifiyaha Nolosha
Debci Iyo Wanaag, Qurux loogu Daray, Dulqaad Iyo Hanaan, Edeb loogu Daray, Diin iyo Aqoon, Anshax Loogu Daray,*
*Dunnimoyo Kalgacal, Xishood Loogu Daray, Dhankastaba Dayoo, Waad i Deeqdayoo, Kuma Diidi Karo.

π‘¨π’ƒπ’˜π’‚π’‚π’ 𝑺𝒂𝒂𝒋𝒂𝒄 β™‘οΈŽ

β€οΈπŸ”πŸ‘Έ

t.me/Ifiyaha_Nolosha
Forwarded from Ifiyaha Nolosha
Kannaalkeena @Ifiyaha_Nolosha Wuxuu Qaban-Doonna Barnaamij Amaan Dumar Ah, Kaasi Oo la aamanayo Magaca Gabadhii Soo dalbata.
Hadii aad rabtid in Magacaaga ama mid kale la guu soo Amaano, Buuxi Shuruudaha.
Ugu horayn Join Dheh Channelka @Ifiyaha_Nolosha.
1- Join Dheh Channelka @Turjumaad
2- Like saar Postiga
3- Share-gree linkiga Channelka
4- Comment ahaan U dalbo Magacaa Aad Rabto In Laguusoo Amaanno.

"Sida ugu Dhaqsaha Badan ayaa laguugu soo Jawaab-celin-doonnaa".
πŸ“šWAAD RIYOOTEE RUNTA WAA MAXAY.
βž–βž–βž–βž–βž–
πŸ“ HORDHAC
===========
.. πŸ“²Sida uu Ilaahay u abuuray soojeedka ayuu hurdadana u abuuray. Arrimo ayuu Ilaahay qofka ku tusaa hurdadiisa, si iyaga oo dhacdooyin ah uu ugu arko soojeedka. Arrinta ugu weynee riyooyinku ay faa’iidaynayaan ayaa ah in dadka loo sheego waxyaabaha ay uga baahan yihiin nolol- maahneedkooda, gaar ahaan nebiyada dhimashadooda ka dib, maxaa ycelay waxyigii baa is taagay. Sida xadiiskii Bukhaari iyo Muslim ay soo weriyeen ee nebigu (N.N.K.H) ku yidhi: β€œHaddii wakhti aakhirku..... aan Idin kale Baxo idinka iyo Buuga..................


Size: 20MB.
Pages: 136.
Format: PDF.
============
Qiimaha: $ is afgarad


Soo Dalbo ➑️ @Lion_Poy

β˜… HADDA DALBO HADDA HEL β˜…
Forwarded from Ifiyaha Nolosha
πΉπ‘Žπ‘Ÿπ‘‘π‘œπ‘€π‘ π‘Ž.

Quruxda Foolkeeda Iyo, Fayskiyo Farxaddiyo Wanaaga
Dabeecadda Lagu Furfuray, Samaanta Ku Faaftay Iyo, Fiicnaan Lagu Beeray bey, Aniga oo'n Faanihayn,
Fiyoore Ku qaadatoo, Dhigeedda Ka Foofsan Tahay.
πŸ‘β€οΈ

Soo Dalbo Amaantan oo kale; Shuruudaha Hadii aadan Buuxin Shuruudaha Waxba kuuma Hirgalayaan)

S--H---A---R---E_____D--H--E--H
S--H---A---R---E_____D--H--E--H
S--H---A---R---E_____D--H--E--H

βžͺ t.me/Ifiyaha_Nolosha βœ…
Sheeko CusubπŸ‘€
Ma dooneysaan buug human resource management (Maamulka Kheyraadka Aadanah)
Waana English to somali pdf
Qiimaha waa 3$
Qiimaha u dambeeyo waa $2

La xariir maamulka ciil tire online college
Telegram: @Lion_Poy
Whatsapp: wa.me/+252907675198
Forwarded from Kooxda Kobcis
πŸŽ‡ Wakhti Wanaagsan πŸŽ‡

@KOOXDA_KOBCIS

πŸ’‘ "Wax Akhrisku waa Furaha Guusha" πŸ”
β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’

┏━━━━━━━━━━━━━━━━━━┓
✿ πŸ“š @SheekooyinJacayl πŸ’” ✿
✿ πŸ“š @SheekooyinJacayl πŸ’” ✿
┗━━━━━━━━━━━━━━━━━━┛
⬇️
┏━━━━━━━━━━━━━━━━━━┓
✿  πŸ“₯ @Ifiyaha_NoloshaπŸ“₯    ✿
✿  πŸ“₯ @Ifiyaha_NoloshaπŸ“₯    ✿
┗━━━━━━━━━━━━━━━━━━┛
⬇️
┏━━━━━━━━━━━━━━━━━━┓
✿     πŸ“š  @DhigaalBooksπŸ“š    ✿
✿     πŸ“š @DhigaalBooks πŸ“š    ✿
┗━━━━━━━━━━━━━━━━━━┛
⬇️
┏━━━━━━━━━━━━━━━━━━┓
✿      ➑️  @Turjumaad  ✍       ✿
✿      ➑️  @Turjumaad   ✍     ✿
┗━━━━━━━━━━━━━━━━━━┛
⬇️
┏━━━━━━━━━━━━━━━━━━┓
✿ πŸ’Ž @Dhemantt β˜‘οΈ ✿
✿ πŸ’Ž @Dhemantt β˜‘οΈ ✿
┗━━━━━━━━━━━━━━━━━━┛
⬇️
┏━━━━━━━━━━━━━━━━━━┓
✿ πŸ”Ž  @Learn_english012 πŸ’» ✿
✿ πŸ”Ž  @Learn_english012 πŸ’» ✿
┗━━━━━━━━━━━━━━━━━━┛
⬇️
┏━━━━━━━━━━━━━━━━━━┓
✿    πŸ’‘ @Hdafka120   πŸ¦‹        ✿
✿    πŸ’‘ @Hdafka120   πŸ¦‹         ✿
┗━━━━━━━━━━━━━━━━━━┛
⬇️
┏━━━━━━━━━━━━━━━━━━┓
✿         πŸ“š @Ifiyaha1   πŸ“š          ✿
✿         πŸ“š @Ifiyaha1   πŸ“š          ✿
┗━━━━━━━━━━━━━━━━━━┛
⬇️
┏━━━━━━━━━━━━━━━━━━┓
✿  @dhiirigaliyaha_nolasha1 ✿
✿  @dhiirigaliyaha_nolasha1 ✿
┗━━━━━━━━━━━━━━━━━━┛
⬇️
┏━━━━━━━━━━━━━━━━━━┓
✿    ❀️ @HoygaJacaylka    ❀️ ✿
✿    ❀️ @HoygaJacaylka    ❀️ ✿
┗━━━━━━━━━━━━━━━━━━┛
⬇️
┏━━━━━━━━━━━━━━━━━━┓
✿  🧠 @Umu_Sulaymaan   πŸ’Œ ✿
✿  🧠 @Umu_Sulaymaan   πŸ’Œ ✿
⬇️
┏━━━━━━━━━━━━━━━━━━┓
✿ @BoqortooyoChannel100   ✿
✿ @BoqortooyoChannel100   ✿
┗━━━━━━━━━━━━━━━━━━┛
⬇️
┏━━━━━━━━━━━━━━━━━━┓
✿ 🌍 @Xikmadoiyodhiirigalin ✿
✿ 🌍 @Xikmadoiyodhiirigalin ✿
┗━━━━━━━━━━━━━━━━━━┛
πŸ‘‡
┏━━━━━━━━━━━━━━━━━━┓
βœΏπŸ‘€  @Waayaha_Aadanaha    ✿
✿🌍  @Waayaha_Aadanaha    ✿
┗━━━━━━━━━━━━━━━━━━┛
┏━━━━━━━━━━━━━━━━━━┓
✿    πŸ†• @Saajac_Media   πŸ””   ✿ 
✿    πŸ†• @Saajac_Media   πŸ””   ✿
┗━━━━━━━━━━━━━━━━━━┛
πŸ‘‡
┏━━━━━━━━━━━━━━━━━━┓
✿    ➑️ @Dhaqan_Bile  πŸŽ‰  ✿
✿   ➑️ @Dhaqan_Bile πŸŽ‰    βœΏ
┗━━━━━━━━━━━━━━━━━━┛


πŸ‘‰ "Kubiir Oo Ka Faa'iideyso"

β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’
πŸ§‘β€πŸ’» "Kanaalka Ifiyaha Nolosha waxaad ka hellaysaan Xikmado, Murti, Dhiirigelin, Iyo qoraallo Ku xiisa geliya.
13-03-2022.
πŸ‘¨β€πŸ’»
___
Si aad linksgan ugusoo
biirto, La xidhiidh. @Abwaan_Saajac
▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁

✿✿✿✿✿✿✿✿✿✿✿✿✿✿
ꜱᴘᴏɴꜱoʀᴇᴅ ʙʏ:
πŸ“Œ @Ifiyaha_Nolosha
πŸ“Œ@SheekooyinJacayl
πŸ“Œ @Turjumaad

βœ… Https://t.me/Turjumaad
↬❒ Dhammaad ❒↫
π’πšπšπ›π’π« 𝐈𝐲𝐨 π’πšπ¦π’π’π«πš 𝐐1𝐀𝐀𝐃

Intaas ka dib waxaa Mowduucii furay Saabir Aabihiis oo sheeko kale kuma sii dheeran wuxuu yiri:- Xaajiyoow waxaan kuugu soconaa Aniga iyo Wiilkeyga, doonasho Gabadhaada Samiira, inaan u Guurino Wiilkeyga Saabir, weyna soo wada hadleen labadooda.
Gabadha iyo Wiilkana wey is jecel yihin weyna isku qanacsan yihin sidaas darteed iyada ayaa ku tiri Reerkeyga iiga soo doono, ee Xaajiyow Wiilkii iyo Gabadhii aan Faataxa u marno inuu ilaaheey isku barakeeyo.
Markuu hadalka dhameystay Odaygii ayaa wuxuu ku yiri:- Wiilkaagu muxuu qabtaa ?, Saabir Aabihiis ayaa yiri:- Wiilkeygu waa arday jaamacad ayuu dhigtaa, wuuna Shaqeestaa. Samiira Aabaheed kuma qancin arintaas si Xun ayuuna ula hadlay Martidii, wuxuuna yiri:- Waa ka xumahay Aniga gabadhan Nolol Heer sare ku soo koriyay, si fudud kuma bixinaayo, waayo Wiil Arday ah kuma amini karo Gabar aan ku soo tiir iyo tacab beelay, Nin aan Nolol fiican heysan oo gabadheydana Nolol fiican siin karin kuma Amini karo, waan ka Xumahay Xaajiyoow Raali ahaada Calaf iskuma laheyn Labadooda ee Kheyr ayaan idiin rajeynaa.
Saabir iyo Aabihiis oo niyad jabsan ayaa ka soo baxay Gurigii cidda, waxeyna soo aadeen Xaafadooda, Saabir tiisa wuu iloobay markuu arkay Aabihiis oo Niyad jabsan, guriga markey yimaadeen ayuu ku yiri Aabe iga raali noqo sharaf dhacaan iyo Niyad jabkaan anaa sabab u noqday, Adigoo qof weyn ah ayaan Maanta sabab u noqday Nin asaagaada inuu ku liido oo ku bahdilo, waana igu balan Aabe inaan Samiira faraha ka qaado, dib dambana u xiriirin, adigana i Cafi Aabe.
Odayga ayaa ku yiri Wiilkiisa:- Aabe waxaas waa caadi, anigana dhib uma arko, waxaan u Murugeys nahay waa Adiga dartaada, waan ogahay Wiilkeyga in jeceylka uu Xanuun badan yahay wejigaada Farxada ka muuqatay iyo xamaasad intaan bixin ka hor, waana dareemi karaa inaad niyad jabtay, ee ha is raacinin Cidaas isku maqaam ma nihi oo iskuma qalano, iska iloow niyadaadana ka saar.
Saabir ayaa ku yiri Aabihiis:- Aabe ilowsho ma aha wax aan si fudud ku iloobi karo, laakin inaan ka fogaado waa igu balan, mana iloobi dooni weligey Samiira Aabaheed sida uu noola dhaqmay.
Dhanka Samiira iyadana aad ayey uga naxday falka uu Aabaheed ku sameeyay Saabir iyo Aabigiisa, aad ayey uga xumaatay waxey la hadashay Aabaheed waxeyna ku tiri:- Aabe maxaa saan u sameysay, maxaa saan ula hadashay Saabir iyo Aabihiis.
Markaasu ku yiri:- Aabe Aniga weligey wax makaa hagran Nolol tan ugu Quruxda badan ayaan ku siiyay habeen iyo maalina dartaada u Shaqeynaayi Farxadaada, Caafimadkaaga, Cuntadda iyo wax walba oo aad u baahato diyaar ayaan kuula ahaa, waan ku baryaa hadaad Ducadeyda rabtid iska iloow Wiilkaas kuuma Qalmo waa Faqiir wax ma heysto asagaa Gaajejsan, adigana inaad iga gaajooto ma rabo.
Sheekada hadey gaartay Duco iyo Habaar Samiira iyadoo ka xun oo Niyad jabsan oo Qalbiga ka dhaawacan ayey go’aansatay iney ka fogaato Saabir, isagana sido kale wuxuu go’aansaday inuu is iloowsiiyo jaceylkiisa, laakin Lamaanahan si dhab ah ayey isku jeclaayeen midna ma awoodin inuu iloobo midka kale, Samiira nolosheeda mugdi ayey noqotay, wey fikirta markey soo xasuusato Saabir, weyna iska Ooysa, Saabir isagana sidoo kale Murug iyo Fikir iyo Ooyin ayuu ka bixi la’yahay.
Waxey Xaaladdu sidaas ahaataba muddo ka dib qof walbo wuxuu bilaabay in Noloshiisa halkeeda uu ka sii wato, balse Xusuustii quruxda badneyd inaan marnaba laga tegin.
Saabir wuxuu go’aansaday inuu isaga tago Shaqadii, uuna xooga saaro Waxbarashadiisa inuu heer ka gaaro, Halka iyadana nolosheeda dabiiciga iska sii wadatay Waxbarashadeeda iyo gurigeeda iyo Asxbteeda iskala nooleed Jaceyl iyo Xiriir dhan wey ka niyad jabtay, isagana sidoo kale wuu ka niyad jabay.
Wuxuu Waqtigu is guroba waxaa ka soo wareegatay Hal sano kala tagidooda, Samiira waxaa soo doontay Nin iyada ka weyn Da’ ahaan, laakiin Hanti lahaa oo ay Aabaheed is yaqaaneen, Ninka waa Nin Ganacsade ah oo Guryo iyo Gawaari leh.

#SIS Q1aad

πŸ‘
❀️
πŸ’¬


βœ… t.me/SheekooyinJacayl