Sheekooyin Jacayl
11.9K subscribers
43 photos
1 video
1 file
349 links
Kanaalkaan @SheekooyinJacayl waa kanaal aad ka heli doonto
Sheekooyin isugu jira /Jacayl❤️ /Qosol😁 /Taxane↪️ /sheekooyin iyo /Qoraalo xiiso badan😘

***
Maamule: @Abwaan_Saajac
Download Telegram
KUFSI IYO KADEED ADUUN

Q-7aad
Damaca iyo dareenka nagu jira mar walba waa mid aanan u riyaaqin marka ay dhacaan wax aysan nafteena jeclaysan raalina ka ahayn amaba qorshaha ugu jirin, balse dhabta nolosha sidaa ma ahan, adiga waa lagu abuurtay dariiq aad ku socoto inta aad nooshahayna waa laguu jeexay, haa doorashada noloshaada xaq ayaad u leedahay, balse qaddarta wax shuqul ah ama awood ah oo aad ku leedahay ma jirto.

Mustaqbalka sida uu noqonayo mar walba waa mid naga daahsoon, idil arrimo badan ayey ku hamminaysay oo nolosheeda ah waxaana la oran karaa dariiqa loo jeexay nolosheeda ayey maraysaa ee micnaha ma ahan in wax walba oo ay ku hammin jirtay uu meeshan kusoo gunanadmay maadama ay gashay guur labaad oo aan ku imaan rabitaankeeda shaqsinimo, balse ku yimid is maslaxaynta iyo is jeclaysiga labada oday ee kala dhalay ninka ay marwada u noqon doonto iyo iyada Idil ah.

Idil waa la aqal geeyay oo guriigii loogu tala galay walasheed ayay Iyana ku dul habsatay waxayna ku qasbanaatay nolosha ay wajihi lahayd walaasheed in ay wajahdo, wax badan oo walaasheed qabyo u ahaana ay iyada dhamaystirto waa qancinta iyo la dhaqanka Haashim.

Haashim wuxuu ahaa nin aad u qiima badan garan karana amaba aqrin kara wajiyada dadka uu markaa wax la wadaagayo, wuu dareensana in gabadha loo keenay aysan faraxsanayn huri waytana ay mesha ku joogto, balse wuxuu is lahaa waa dumar marka ay dhadhamiso nolosha dhabta ah ee ay kula wadaagayso iyada ayaa dan u dagi doonto ee ha cadaadin.

Idil marnaba xumaan kulama dhaqmin haashim, waxay ahayd qof mar walba fahamsan waxa ay meesha u joogto oo ah qancinta ninkeeda cusub iyo in si hufan oo hagar la’aan ah ay u gudato waajibaadkeeda Marwanimo.

Idil maadama ay ahayd Xaaska saddexaad ee haashim lana soo baxday fir fircooni iyo fur furnaan taas oo dareensiisay haashim in u ka jeclaado xaasaskiisa kale ee ilmaha u leh.

Kasbashada qofka la kasbado mar walba waa lagu kala duwan yahay, idil waxaa la oran karay kama ahayn ku xumee ama kasoo jiido ninka Dumarka kale ee lala qabo, balse waxay ka ahayd garasho ay garanaysay waajibkeeda iyo waxa laga doonayo ama laga rabo.

LASOCO...
J_O_I_N__U_S⤵️
@SheeKooyin1
KUFSI IYO KADEED ADDUUN

Q- 8aad
Waa abaal marinta uu Alle ku abaal marsho kuwa aan dhagart iyo xaasidnimada aqoon ee mar walba u guta waajibkooda sida laga rabo ayaga oo aan baddal ahaan doonayn amaba ku fakarin in ay wax uga helaan qofka ay wanaajinayaan.

Wanaaga ama dhaqankaaga oo si hagar la’aan ah aad u qabato ayaa wuxuu ku dhaxalsiiya in aad noqoto qof la jecel yahay laguna jecel yahay wanaagiisa iyo dhaqankiisa ee aan lagu jeclaan dhaqaale ama waqtiga gaaban oo xaalad wanaagsan muujiya.

Mar walba oo guushaada ay badato waxaa bato xasadkaaga, idil maadama dhaqankeeda dumarnimo oo wanaagsana darteed ay ku hanatay qalbiga Haashim, waxaa soo if baxay xasadnimo iyo dhagar ay maleegayeen Hablaha kale ee lala qabo.

Dumarka runta marka laga hadlo sida badan waxay eedda saaraan raga ama dumar kale ayaga oo aan eegayn waxa isla ayaga ka hallaysan ama ay halleeyeen loogana baahan yahay in ay dib u saxaan, waxaan uga jeedaa taa marwooyinkan la dagaalamaya gabadhan la leeyahay idil iyaga ayaa marka la eego ka muhiimsan kana nasiib wanaagsan idil maadama awlaad iyo xoolaba Alle siiyay, ma ahan in ay ka maseeraan ama ay ku tashadaan sidii gabadhan looga saari lahaa Reerka.

Qof walba oo Dhagar maleega waa hubaal in uusan guulaysan, waa laga yaabaa in guul ku meel gaar ah uu gaaro qofkaas, balse, ugu dambaynta ayaa ah in arrinkiisu uu kusoo gunaanadmo shallaayto iyo is canaanasho naftiisa uu cananaanayo.

Xiriirka ka dhaxeeya idil iyo Haashim heer wanaagsan ayuu gaaray ayaa la oran karay oo waxaa ka dhex beermay Jacayl aad u daran kaas oo idil hilmaansiiyay in ay wax tabayso ama leedahayba Hadaf kale oo nololeed oo ay waligeed ku riyoon jirtay.

Idil iyo Haashim jacaylka ka dhaxeeya ayaa wuxuu kallifay in cadaawad badan ay kala kulmaan dhanka dumarka kale ee uu haashim qabay, cadaadis badan oo haashim kaga imaanayay mid ka mid ah xaasaskiisa kale ayaa kallifay ugu dambaytii in ay kala tagaan maadama harsasho la’aan iyo dhaqan xumo uu kala kulmay Haashim.

Idil kuma faraxsanayn in ay sabab u noqoto duminta guri ka mid ah guryaha uga soo horeeyay nolosha qoyskaas, waliba waxay ka wal walsanayd caruurta ay islaantaas dhashay, dhowr jeer ayay isku dayday in ay isku celiso labadaas qof ee kala irdhoobay balse go’aan uu haashim gaaray dartiis ayey wax walba u suuroobi waayeen.

Waxaa jira wax badan oo aadan jeclayn ku lug lahaanshahooda balse duruufaha qaar ayaa kallifa in aad si dadban ugu lug yeelato, Idil kama ahayn wanaajinta iyo wax la wadaagidda ninkeeda haashim ka maseersiin ay ugu dan lahayd ama ku xumayn ay ula jeedday Xaasaska kale ee uu Haashim qabo, ee waxay ka ahayd gudashada waajibkeeda Marwanimo, taas ayaa sababtay ayaa la dhihi karay in xaasaska qaar ay si kale u fahmaan.

Jacaylka idil uu u qabo haashim ma ahayn oo kaliya mid ku kooban isaga oo waxaa aad u wada jeclaa labada Waalid ee Haashim, runtii waxaa la oran karay iyada oo aan wax Owlaad ah u dhalin haashim hadana waxay ahayd mid kalsoonida qoyskaas si la yaab leh u kasbatay.

Waajibaadkaaga oo aad u gudato si daacadnimo ku jirto micnaheeda maahan in aad ku qanacsantahay nolosha aad ku jirto, idil iyada oo leh Hammi iyo Hadaf ay tiigsanayso ayey haddana aqbashay Xaaladda lama filaanka ah ee ay gashay.

Waxay ku tala gashay in ay waajibkeeda ay si wanaagsan oo Eed la’aan ah u gudato, waana midda sababtay in Cadaawad badan loo qaado, xaasaskii qoyska uga soo horeeyey ee meesha ku ilma dhalayna qaarkood ay hilfaha qaateen jaantana rogeen.

Idil mar walba waxay isku dayi jirtay in ay sii balaariso Xiriirka kala dhaxeeya Marwooninka kale ee saygeeda, waxaa la dhihi karay mararka qaar waa fahmi karayeen mar marna ma fahmi karayn, dumarse waa dumar marka ay arkaan in saygooda uu jacyal qaas u qabo mid kale waa iska imaanayaa Masayrka iyo Xiqdinimada, taas oo la dhihi karo waa mid ka mid ah Dabeecadaha Dumarka.

Nolosha sideedaba marka ay kuu bilaabato waxba kama garan kartid adiga ku nool ee Abuuraha sameeyey ayaa garan kara habka ay u soconayso iyo meesha ay ku biyo shuban doonto.

LASOCO...
J_O_I_N__U_S⤵️
@sheekooyin1
Saaxibayal maanta waxan idinka codsnyaa in aad chennelkan hoose ku biirtaan oo join dhahdaan
Plz👇👇👇

T.me/Sheekooyinsom
T.me/Sheekooyinsom
👆
Forwarded from Ifiyaha Nolosha
Hadii umaduhu iskugu faanaan xagga Xumaanta annagu waxan Ku faani lahayn Xajaaj Bin Yuusuf.

-Cumar bin Cabdulcaziiz

📥 @Ifiyaha_Nolosha 📥
KUFSI IYO KADEED ADUUN

Q- 9aad
Nolosha sideedaba waa dariiq jeexan oo socodkiisa uu bilowdo marka ay nolosha qofkaas bilaabato, dariiqyada qaar waa kuwa Qodxa miiran, qaarkoodna waa rays ay lugta ku raaxayso ku socoshadeeda, halka qaar ay dab aan kulaylkiisa la mahdin yeeshaan, qaar kalana qabow lagu qaboobo.
Idil way ogayd xaalka ay marayso in uu yahay xaal la qaddaray, iimaanka uu alle siiyey dartiis ayey ku sugaysay halka ay ka gaarayso iyada oo waddada ay marayso hadba qaabka ay tahay ula jaan qaadeysay.
Dib aan yara u milicsano nolosha idil sida ay ku bilaabatay ilaa hadda meesha ay marayso, waxaad ka garan kartaa in idil tahay qof u aqbasha nolosha sida ay usoo qabato, waxaa kaloo laga fahmi karayaa in idil tahay qanciso u taagan qancinta dadka ay wax kala dhaxeeyaan ha ahaadaan waalidkeed, walaalaheed iyo qooysaska ay usoo kala dhaxdayba.
Qoyska ay hadda dhaqayso idil ee haashim ma ahayn mid ku yimid dookheeda iyo ku tala galkeedaba hadana waxaad ka fahami kartaa maadaam nin xaasas leh ay guursatay in aysan u hakan caqabadaha ku hor gudban oo ay si toos ah waajibkeeda dumarnimo u gudatay, taas oo sababtay in la wada jeclaado.
Idil qoyskaas waxay ku raagtay Muddo toddobo Sana ah oo aysan waxba dhalin, ha yeeshee iyada mar walba waxaa qalbigeeda ku taagnaa Hawo ka duwan midda ay ku nooshahay, waxay mar walba ku hammin jirtay in ay mar uun ka madax banaanaatoo rabitaanka Dadka kale oo ay u madax banaanaato rabitaankeeda shaqsiyadeeda.
Waa gabar runtii la dhahi karo 17 sano waxay ku noolayd rabitaanka waalidkeeda iyo rabitaanka Niman aan ku iman hawadeeda ama dookheeda, taas oo ay adkaysi daran u yeelatay, waxayna mar walba jeclayd in howsha loo dhiibo sida loogu dhiibay oo raali laga wada yahay uga soo baxdo, waxaana la oran karay mar walba waxay u taagnayd raali galinta waalidkeeda iyo dadka ku hareeraysan nolosheeda.
Qofka qaaliga ah ee hal doorka dadka ah mar walba waa mid la imtixaano, imitixaanadaas oo kala noqon kara kuwa dhanka caafimaadka ah iyo kuwa kale oo marrinka nolosha ku yimaada, tusaale gaaban waxaa kuugu filan Imitxaanka ay Idil marayso.
Wanaaga iyo ixtiraamka faraha badan ee idil ay lala lahayd qoyska ay ninka ka qabto aad ayuu mar walba u balaarnaa, dhowr jeer ayaa Cadaadis uga imaanayay dhanka aabaha dhalay wiilka oo isagu mar walba waxaa ku jiray Damac ah in gabadhan sidan u wanaagsan ay wax la wadaagaan, isaga oo aaminsanaa in Geedka macaan uu mira macaan dhalo, idilna ay la mid ahayd geed macaaan, miraha uu Alle jirkeeda kasoo gooyana ay la mid noqon karaan ama kasii wanaagsanaan karaan idil.
Quruxda iyo qiimaha shaqsiyadeed ee ay idil lahayd waxaaba la oran karay waxay qayb ka qaadanayeen cadaadiska nololeed ee idil uga imaanayey qoysaska ay u dhaxdo, maxaa yeelay, hammiga cid walba ay gabadhaas ka lahayd iyo rajada ah in owlaad ay u dhasho la hiliboobaan oo meesha ka maqan ayaa la dhihi karay waxay sabab u ahayd in idil lagu kahaysto wax aysan awood u lahayn hanashadooda waa owlaaddee.
Wax muddo la wada joogaba idil marnaba xageeda damac ah in ay furriin sii waydiisato haashim kuma jirin oo qoyska ay hadda la nooshahay waxaa la dhihi karay aad ayuu uga wanaagsanaa qoyskii kale ee ay nolosha ku bilaabatay.
Khibradda ay u kala lahayd labada qoys ayaa aad u kala duwanaa sidaas si la mid ah labada nin ay u kala dhaxday oo dhaqankoodu kala macaanaa, ma ahan in kii hore uu dhaqan xumaa, micnaha ayaa ah in Idil hanashada qalbigeeda uu Haashim aad ugu guulaystay marka lala bar bar dhigo kii ka horeeyey.
Waxaa taas sii dheerayd Haashim hooyadiis oo soddohda idil ahayd ayaa Iyana qayb wayn ku lahayd farxadda idil ee qoyskan, waxaana la dhihi karay aad ayey isku fahmeen idil oo waxayba noqdeen saaxiibo gaar ah oo is fahamsan.
In soddohdaada aad saaxiib noqotaan sida badan nolosha guurka ku salaysan kuma dhacdo, dumarkase waa kuwa kala nasiib badan, qaarna sida idil oo kale ayey soddohdu u noqotaa qaarna waa uga duwanaataa oo ayaga oo ah marwooyin fiican ayaa lagu sallidaa Soddohda oo aakhirka sababta in gurigooda uu dumo.

LASOCO...
J_O_I_N__U_S⤵️
@sheekooyin1
Kannaalka Turjumaad waxaan kusoo gudbineynaa; Xikmado, Odhaahyo & Maahmaahyo laguugu soo turjumay Afkaaga Hooyo.
t.me/Turjumaad
KUFSI IYO KADEED ADUUN

Q- 10aad
Mar walba oo Cadaadis uga yimaada Qaraabada Qoyska waxaa jilbaha u aasan jiray oo difaaci jiray soddohda idil waa Haashim hooyadii oo dhihi jirtay “iiga leexda gabadha ma idinka ayaa awlaadda farqaha ku sita, awlaadda waa deeq Alle baxsho, gabadhaydan idil waqtiga uu Alle ugu tala galo ayey helaysaa awlaad, inta ka sokaysase ima qusayso dhalma la’aanteeda ee waxaa I quseeya dhaqankeeda”

Idil waxaa la dhihi karay waxay usoo dul qaadatay af xumo fara badan, ma ahan oo kaliya hadalada ay kala kulmayso dadkan oo wararkan iyo kuwa kasii xunba waa usoo horeeyen oo iyada oo nolosha guurka ku cusub ayey usoo dulqaadatay, hadana ma ahan kuwan kuwa ka hor istaagaya in ay gudato waajibkeeda Dumarnimo.

Xaqiiqda marka laga hadlo hadalada dadka afkooda kasoo baxaya waa kuwa saamayn balaaran ku yeesha qalbiga qofka loogu dan leeyahay dhinac ay doontaba samayntaas ha ahaato, balse waxa muhiimka ah ayaa ah qaabka uu qofka uga jawaab celsho, taas oo iyana la dhihi karo waa midda saamaynta sii yeelata.

Guurka imitxaankiisa ugu horeeya wuxuu billowdaa marka aad toddobada ka baxdo oo haddaad tahay rag iyo dumarba midkood aad su’aalaha bulshada kaaga imaanayo si u wajahayso.

Qaabka ay dadka wax kuu waydiinayaan ayaaba ah qaab laga yaabo in qalbiga qofka uu dhibsado, qof walbase culayskiisa ayaa haysta, maadaama guurka uu yahay is baddala laga rajaynayo in uu nolosha si saamayn ugu yeesho, la yaab ma lahan in su’aalhiiisa ay hadba qaab yeeshaan.

Maalmaha hore waa qaabka shaqada aad u gudatay oo wax lagaa waydiinayo, bil marka ay dhamaatana waxaa kusoo xigto in lagu waydiiyo bal in ay siyaado jirto iyo in kale, waana markaas marka uu billowdo cadaadiska iyo culayska xaga maskaxda ah ee wada fuula Sayga iyo Marwada dhaqaya reerkaas cusub.
#KIKA -10

LASOCO...
J_O_I_N__U_S⤵️
@sheekooyin1
Habeen wanaagsan.
✼ ҉ ✼ ҉ ✼ ҉ - ҉ ✼ ҉ ✼ ҉ ✼

┏━━━━━°❀•:🎀 - 🎀:•❀━━━━━┓
KOOXDA KULMIS
*✿❀ - ❀✿*
✿: Buug soomaali PDF ah
✿: Aqoonkaal media
✿: ku baro afcarabiga qoralo
✿: Faafinta diinta islaamka

⊰᯽⊱┈──╌❊ - ❊╌──┈⊰᯽⊱

✿: culimada su'aashaada weydii
✿: xikmado xul ah.
✿: kala soco WARARKA
✿:Axaadiista nebiga oo afsomali ah

⊰᯽⊱┈──╌❊ - ❊╌──┈⊰᯽⊱

✿: Love stories
✿: su'aalo guud(diini iyo maadi)
✿: Xikmado badan
✿: Buug somali maqal ah

⊰᯽⊱┈──╌❊ - ❊╌──┈⊰᯽⊱

✿: Dhambaal
✿: Dareenka dunida
✿: Buugwalba ood u baahato
✿: Xikmad iyo dhiirigelin

⊰᯽⊱┈──╌❊ - ❊╌──┈⊰᯽⊱

✿: weheliso
✿: Hoyga sheekooyinka
✿: Dareenka dunida

⊰᯽⊱┈──╌❊ - ❊╌──┈⊰᯽⊱

✿: Halxiraale
✿: Noqo mufakir
✿: Science iyo qur'aanka
✿: Buuug dhagaysi ah

⊰᯽⊱┈──╌❊ - ❊╌──┈⊰᯽⊱

✿: Su'aalo iyo jawaabo
✿: siirada nebiga SCW
✿: Oraahyo
✿: Baro af English-ka

⊰᯽⊱┈──╌❊ - ❊╌──┈⊰᯽⊱

✿: sheekoyin qosol iyo xikmad ah
✿: Dhagayso quraanka
✿: cilmi nafsiga
✿: Siyaasadda dunida

⊰᯽⊱┈──╌❊ - ❊╌──┈⊰᯽⊱

✿: Sahanka nolosha
✿: cilmi iyo aqoon
✿: Baro luuqada English'ka

⊰᯽⊱┈──╌❊ - ❊╌──┈⊰᯽⊱

✿: Iftiinshe
✿: Dhiirigeliye
✿: Baahiyaha kheyrka
✿: Qaado iftiinka

⊰᯽⊱┈──╌❊ - ❊╌──┈⊰᯽⊱

✿: ila qosol
✿: oraahside
✿: baraaruji awoodahaaga
✿: niyadeena

⊰᯽⊱┈──╌❊ - ❊╌──┈⊰᯽⊱

✿: qoraal qaadasho mudan
✿: korodhso online academy
✿: Rajada nolosha
✿: sheekoyin

⊰᯽⊱┈──╌❊ - ❊╌──┈⊰᯽⊱

✿: dunida dahsoon
✿:faafinta khayrka
✿: arrimaha islaamka
✿: Aqoonkaal media
*✿❀ - ❀✿*

┗━━━━━°❀•:🎀 - 🎀:•❀━━━━━┛


❂✿❂✿❂ - ✿❂✿❂

Xogta link'yadan: @kooxda_kulmis

❂✿❂✿❂ - ✿❂✿❂


Si aad kannaalkaaga link'yadan ugu darto,la xidhiidh: @nabiilsulaymaan


▁ ▂ ▄ ▅ ▆ ▇ █ - █ ▇ ▆ ▅ ▄ ▂
SPONSORED BY
📌 @kaydbooks
📌@xikmadbadan
📌@Oraahyo



■□■□■□■□ - ■□■□■□■


Halkaan waxaad ka helaysaa BUUG soomaali PDF ah, iyo buug( Exams ka) dhamaan manaahijta iskoolada soomaalida. Jion dheh.


■□■□■□■□ - ■□■□■□■




🄺🄾🄾🅇🄳🄰 🅺︎🆄︎🅻︎🅼︎🅸︎🆂︎
KUFSI IYO KADEED ADUUN

Q- 11-aad
Rajada guurka waa in ay wax soo siyaadaan, maadaama wax la sugayo ay jiraan, dadku kuma qaldana in ay waydiintoodaas wataan, isku garashase maahan dadka, oo dadka qaar ayaa fahamsan in aysan wacnayn is waydiintaas ku saabsan in reerku uu siyaado yeeshay iyo in kale.

Haddii ay siyaado jirto waydiintaas waa mid ay ku raaxaystaan labada qof ee reerkoodu cusub yahay, inta badan oo ay jawaabtoodu noqoto haa waa inta badan oo loo hambalyeeyaa, su’aalahana ay kasii yaraadaan.

Idil horey ayey uga soo daashay waydiintaas iyo dhowridda wax laga dhowrayo, taas baddalkeedana iskuma mashquulin jirin in ay jawaab u raadiso su’aalaha uga imaanayo dadka qoyskaas qaraabada iyo asxaabtaba la ah.

Idil way ogayd waxa ay u taagantahay iyo waxa ay doonaysay, marnaba ma ahayn kuwa wax ka baddala hadalada dadka dareenkeeda iyo doonista waxa ay doonaysay, sidaas darted, waxay ahayd mid aan u jawaabin dadka ay is leedahay jawaabaha kaama mudna sida dadka ay xididka yihiin iyo dadka mudnaanta gaarka ah leh ee qoyskaas ka tirsanaa sida soddogeeda oo kale.

Waqtiga waa mid isku baddala sida dabaysha duulaysa oo kale taas oo sidata mar walba Jawi saamayn ku yeesha halka ay ku dhacdo dadka ku nool, Dabeesha waa mid mararka qaar bishaaro sidata, mararka qaarna Balaaya sidata.

Idil maadaama ay Cadow badan iyo asxaab badanba ku dhex yeelatay qoyska haashimka ay u dhaxdo waxaa sii kacayay maalin walbe dabeesha xun ee balaayada wadata ee ay kicinayeen dadka ay ehelka ka dhigatay una ixtiraamto qoyskeeda waa xaasaska haashim uu la qabo.

Dabeecadda dadka ayaa ah in qofka u naxariista ee mar walba u jilicsan dhankooda ay ku adkaadaan isla markaana u arkaan Doqon aan is difaaci Karin, waxaadna ka garan kartaa haweenkii ay mar walba ku guubaabin jirtay in ay qoyskooda xajistaan isla markaana isku dayday in ay naxariis iyo wanaagba tusiso ayaa iminkan sida dabaysha balaayada ee lagu bur burin lahaa Idil.

Wax la joogaba waxay ku heshiiyeen xaasaska haashim sidii idil guriga looga saari lahaa ayaga oo ku tashaday in haashim aan la siin nasiino uu gurigooda ku joogo mid walba uu booqdana ay culays ku saaraysay in uu furo.

Lama oran Karin furriinka ay ku hanjabayeen doonistiisa daacad ayay ka ahayd, ee waxay ahayd faduulin iyo cadaadis saarid ay haashim saarayeen, ayaga oo u ekeesiiyay sheekada in ay tahay mid ay la qabaan qoysaskooda ay ka dhasheen.

Dhagarta dumarka waa mid aad u daran, Allaha abuurtay ayaana inoo sheegay, waxa ay doonaana sida ay u doonayaan ayey u quruxsadaan waxa aysan doonayna waxay mariyaan Wasaq kallifta in waxaas aan mar dambe lagu hammin.

Isbahayisgaas ay sameyeen xaasaska haashim waxaa si kore ugu riyaaqay aabaha haashim oo runtii rabay in haweeney kale oo wax soo kordhin karta ay soo gasho qoyska maadama idil ay muddo joogtay qoyska wax ay kusoo kordhisayna aysan jirin, waa siduu markaa u arkayay.

Dadku ma eegaan Tayada qofka ee waxay eegaan waxa uu qofku soo kordhiyay, waxaana taa u sabab ah ayaa la oran karaa Baahida iyo rajada ay qabaan mar walba, tayada idil aad ayay uga sarreesay dumarka kale ee qoyska ka midka ah, balse, yaa taas u jeeda? waxa loo jeedo ayaa ah wax qabad iyo waxa uu qof walba astaan ahaan u muujin karo taas oo ah Owlaadda.

Dumarka mid walba midda ay ka caruur badan tahay waxay aaminsantahay in ay uga sal adagtahay Qoyska, waana run ayaa la oran karaa maadaama saldhiga guurka ugu muhiimsan uu yahay in Dad la keeno Dunida, Dadka qaarse fahamka nuucaas ah ma qabaan, oo waxay qabaan in guurku yahay Geed la harsado oo la doonayo in saldhigiisu noqdo is faham labada qof ee wadaagaya dhex mara.

Xaqiiqda ayaasa ah abaal marinta Jacaylka labada qof ee Guurka ku bahooba dhax mara in uu yahay ilmaha, kuwaas oo sida badan la dhihi karo wax badan oo la iskugu sabri lahayn ayey waddadooda noqdaan in la iskugu sabro, balse waxaa inaga maqan sabarka ah in haddii la waayo taas aysan ahayn mid lagu cowriyo ama lagu eedeeyo qofka wax laga sugayo oo ah haweenayda.
#KIKA -11

LASOCO...
J_O_I_N__U_S⤵️
@sheekooyin1
Soo dhowaada, kanaalkaan Hadii alle idmo waxaad ka helaysaan Buugaag PDF Af-soomaali Ku qoran.
⬇️
https://t.me/DhigaalBooks
KUFSI IYO KADEED ADUUN

Q- 12aad
Eedda waayidda ama soo daahista ilmaha mar walba waxaa lagu eedeeyaa haweenka, balse dhabta taas ma ahan, mararka qaar ciladda waxay noqon kartaa dhanka raga oo laga yaabo in aysan la jaan qaadi Karin hormooniska haweenka qaar.
Waxaa kaloo jirta oo meesha ka baxsanayn in xisaabta lagu darsado in qaddar Eebe ay ku jirto meesha oo laga yaabo in laba qof oo la iskugu tala galay in ay guur wadaagaan balse aan dhexdooda wax laga qaddarin ay jiraan oo laga yaabo in ayaga oo muddo wada jooga waxna kala helin in marka ay kala tagaan laga yaabo in qof walba uu Alle si gooni ah ugu arsaaqo Owlaad .
Idil waa la dhihi karaa waa soo daahday, waa lagu eedayn karaa in wixii laga filayey aysan la imaan, balse waxaa mudan in la is waydiiyo, idil Alle ma ugu qoray haashim iyo ninkii ka horeeyayba in ay wax u dhasho? soo lagama yaabase in idil ay siddo ilmaha duul kale oo iman doono Mustaqbalka? soosa lagama yaabo in idil ay dhali doonto, balse Waqtiga uu wali dhiman yahay.
Ilmaha waa Deeq Rabbaani ah, cidda uu doono ayuuna Alle siiyaa, waxaa taas sii dheer in dadka ay tahay in ay wax wada wadaagaan waa hore la qoray, imisa is jecel oo isku wanaagsan ayaan dhexdooda waxba laga qorin? imisa sidoo kale Tayo xun oo aan is fahamsanayn ayaa habeenka ugu horeeya ee kulmaan dhexdooda wax laga xukmay?
Runtii waxaa la dhihi karaa idil eed kuma lahan dhalmo la’aanta, oo waa mid aan kasoo dhamaan amaba la dhihi karo waqtigii loogu tala galay ayaa wali dhimanaa, amaba ma aysan ahayn in ay wax la wadaagto Haashim iyo kii ka horeeyayba.
Runtii dumarkeena dhanka guurka marka laga eego waxaa la dhihi karaa waa ku dulman yihiin, tan micnaheeda maahan in aan dhaqankeena durayo ama xumaan ka sheegayo, balse waa in Eedda ku salaysan dhanka ilma la’aanta aan mar walba u saarino dhanka Dumarka.
Waxaa wanaagsan in qofka lagu eedaa waxa uu awood u leeyahay heli karana, ma ahan in lagu eedaa wax xitaaa aysan heli Karin kuwa wax eedaynaya, adiga ninka ah ama haweenta ah adiga oo raaxeesanaya waliba dheecaanka kaa baxaya haddii uu jirkaaga ama maradaada taabto aad biyaha ula ordayso si aad iskaga dhaqdo ayey howshaadu dhamaataa, markaas ayuu Alle hadduu doono wasaqdaas aad iska dhowrayso u baddalaa wax aadan heli Karin, hanitda dunida taal dhamaana aan kuu goyn Karin.
Waxaa wanaagsan in maanka laga shaqaysiiyo oo dulmiga iyo dareen xumida laga dhaafo dumarka lana garto in qofka dumarka ah ay tahay qof damiir iyo dareenba leh, erayada qaarna ay gubayaan kuwa qaarna ay farax galshaan nafteeda.
Waxa qofku awood ku leeyahay sida dhaqanka guriga waa lagu eedi k araa haddii uu kasoo bixi waayo balse maxaa u dhali waysay ama maxaa Uur u yeelan waysay ma ahan in lagu eedeeyaa.
Idil xanuun badan ayey soo martay ayaa la oran karay marka xaaladahan oo kale laga hadlayo, waxa laga dalbanayo ama lagu eedayana ma ahayn wax ay awood u lahayd, iyadu waajibkeeda dumarnimo in ay gudato ayaa xaq loogu lahaa taana waa kasoo baxday baa la oran karay.
Lugooyada iyo Siriqda maalin walba idil loo maleegayo waa isi soo taraysay, awal dumarka lala qabo ayey ku koobnayd, markan waxaa kusoo darsoomay odayga Soddoga u ah, idil culays badan ayaa lasoo darsay, Af xumo iyo karaahsi badan ayey magan u noqotay, waxaa yaraaday asxaabta ay ku dhex lahayd qoyskaas.
Idil tiirka kaliya ee ay ku joogta gurigaas ayaa wuxuu iskugu soo aruuray soddohdeed iyo haashim, inta kale waxay noqdeen kuwa caddaystay oo qarsan waaya waxay u qabaan iyo qaar iska aamusay oo shibta ciirsaday nasiib darradase waxay dhacday markii si lama filaan ah ay jirro ugu soo booday hooyada Haashim isla jirradaasna ay geeriyootay.
Mu’minka mar walba xanuun ayaa la soo darsa lagu tijaabinayo iimaankiisa, idilse waa xagsatay booskeeda oo dhag jalaq uma siin, marba ninka ay u dhaxdo ee ay dhaqan wadaagta la tahay haddii uu raali ka yahay la noolaanteeda
Waxay goosatay in aysan ugu darsoomin Haashim culayska ka haysta dhanka aabihii iyo xaasaskiisa kale waxa kaliya ay sugayso ayaa ahaa haashim, oo waxay is lahayd dhankiisa howsha ha ka soo dhamaato, inta ka sokayso shibtaada hayso.

@SheekooyinJacayl