Sheekooyin Jacayl
11.9K subscribers
43 photos
1 video
1 file
349 links
Kanaalkaan @SheekooyinJacayl waa kanaal aad ka heli doonto
Sheekooyin isugu jira /Jacayl❀️ /Qosol😁 /Taxaneβ†ͺ️ /sheekooyin iyo /Qoraalo xiiso badan😘

***
Maamule: @Abwaan_Saajac
Download Telegram
QUDBO SIIRO | Q2aad

Sidaan TVga u daawanaayay ayaa gam’ay TVga oo daaran, mise waxaan ku soo toosay gacan i taabaneysa, waan fiiriyay mise waa Hooyo Ninkeeda oo si xun ii soo eegaaya, ka dib Waxaan ku iri:- Maxaa dhacay! Meeday Hooyo ?, wuxuu iigu jawaabay Jikada ayey gayneysaa Qlaabtii aanu Suuqa ka keenay ee adigu maxaad daawanaysay intaan si caro leh u eegay baan isaga baxay Qolkii, maalintaa wixii ka dambeeyay waxaan go’aansaday in aan aad iskaga ilaaliyo Sabri oo aanan meel uu taagan yahay soo istaagin, sidoo kale waxaan ka ilaaliyey Walashaydii yarayd oo aan u sheegay inay Ninkan Agtiisa ka fogsato.
Muddo ka dib waxaan sidii ahaanaba Hooyo ayaa xanuusatay, weliba si aad ah waxaan go’aansanay inaanu isbitaalka geyno, ka dib dhakhtarkii wuxuu noo sheegay inay xun tahay xaaladeedu, una baahan tahay in isbitaalka lagu hayo.
Aniga iyo Sabri ayaa Hooyo isbitaalka ku heynay, Hooyo markii ay Afar cisho ku jirtay ayuu Sabri iga tagay oo uu ku noqday gurigii oo wslasheydii iga yarayd un joogto, ka dib kaligay baa la joogay Hooyo isbitaalkii. In yar ka dibna dhakhtarkii wuxuu ii sheegay inay yara ladnaatay xaafadiina aan geyn karo oo aan halkaa ku ilaalin karo, waan kasoo baxnay dhakhtarkii, Hooyo gurigii baan keenay, lakiin weli xanuun yar yar baa jira, oo qolkeedii baan galiyey oo ay isaga jirtay waxay u baahatona aan ugu geyn jiray.
Intaas ka dib waxaan arkay inay walaashay la soo baxday dhaqamo cusub, sida inaan ugu galo Jikada iyada iyo Hooyo ninkeedii Sabri marka ay i arkaana ay aamusaayeen iyo in Habeenkii marka la seexdo ay walaashey iska eegto inaan gam’ay iyo in kale, ka dibna ay baxdo oo qolalka kale tagto.
Haddaba, waxay sidaa ahaataba habeen baan toosay anoo Suuliga u socda waxaa iga soo hor baxday walaashey oo daal la muuqdo wejigeeda waxaan weydiiyay waxa ku dhacay iyo sababta ay xiligan u soo jeedo, ka dib waxa ay iigu soo koobtay inay suuliga galeysay iyaduna, laakiin uu Sabri ku jiro waan isaga soo noqonay qolkeenii anigoo yaaban oo shakisan, ka dib maalin baan soo toosnay waxaana aragnay inuu Hooyo ninkeedii Sabri baxay isagoo maryihiisiina wada uruursaday.
Hooyaday markaan u sheegnay aad ayey u murugootay xanuunkiina wuu ku siyaaday markaa anigu waxaan u soo wareegay qolkeeda si aan u ilaaliyo oo aan Dawadana xiligeeda u siiyo, markaan dhawr cisho joogay baan maalintii dambe waxaan u baahday inaan soo qubeysto, dharkeygiina qolkeygii baan ka doontay markaan qolkii galay waxaan arkay wax aydaan rumaysan Karin.
Intaas ka dib markaan galay qolkii aniga iyo walaashay waxaan arkay walaashay Xafsa oo dharka iska bedelaysa markaan arkay caloosheedu aad bay u weynayd, waan naxay oo intaan u galay baan ku iri maxaa sidaan u weyneeyay calooshaada ?, ka dib waxay iigu jawaabtay waxba lakiin waan dibirsanahay waaniga intaan ku xanaaqay ku iri,:- ii sheeg runta naa ma Uur ayaad leedahay?, ka dib intey Ooysay ayey tiri Haaa.
Baxdin baa iga soo hartay, waxaana ku iri:- Sidee ku dhici kartaa inaad sharaftii hooyadaa sidaa ugu ciyaarto oo aad ilmo xaaran ah u qaadid weliba Hooyo Ninkeeda ?.
Ka dib walaashay waxay ii sheegtay inuu si qarsoodi ah u guursaday Hooyo ninkeeda. waan sii yaabay waxaana ku iri Kuma guursan karo waayo hooyadaa buu qabay waana guur aanay waxba ka jirin hadduu dhacay.
Ka dib waxaan weydiiyey inta bilood ay tahay waxay ii sheegtay inay Todoba bilood tahay waan iskaga soo baxay qolkii oo qolkii hooyaday baan ku soo noqday anigoo Hooyo waxba dareensiinin baan weydiiyey Hooyo Sabri maad garaneysaa meel aynu ka helno ama reerkooda anigoo ku fikiraaya inaan Askarta u sheego si aan xaqa walaashay iyo ka hooyadayba uga qaado, ka dib waxay iigu jawaabtay hooyo inaanay garaneyn meel ay u raacdo Ninkaa oo aanu reerkooda barin. 
πŸ‘
πŸ’¬
❀️
βœ…
Lasoco...

Love ku yaaciya❀️❀️

⬇️
@SheekooyinJacayl
Sheekooyin Jacayl pinned Β«Asxaabta waa saaxiibkiin @Abwaan_Saajac Gudoomiyaha Kannaalkan. Kani waa number-ka whatsapp-kayga ( wa.me/+252907675198 l )Β»
QUDBO SIIRO | Q3aad

Intaas ka dib Hooyo waxey ii sheegtay ineysan garaneyn meel ay u raacdo Ninkaasi, oo aanu Reerahiisu aan barin iyada, waxeyna igu tiri:- Mar ayuu ina Adeerkii u soo diray Lacag oo uu xawaalada u soo dhigay, halkaas ayuu ku qoran yahay magacoodu kolay.
Ka dib waan iska aamusay anigoon Hooyo waxba uga sheegin arintaa walaashey Laba Usbuuc ka dib anigoo fadhiya qolka hooyo waxaan maqlay walaashey oo qeylineysa markaan u tagay waxaan dareemay inay Fool heyso, ka dib si qarsoodi ah baan ugu yeeray Dhakhtar xaafada, dhakhtarkii markuu yimid wuxuu sheegay inay tahay Xaalad dhalmo oo ay u baahan tahay in Isbitaalka loola cararo.
Markuu intaa sheegay dhakhtarkii ayuu inuu baxo damcay, aniguna kadaba bax baan is iri markaan Albaabka mareyno waxaan arkay Hooyadey oo gidaarka ku naban oo inaga na dhageysaneysay iyadoo yaaban.
Markuu sidaa u baxay dhakhtarkii ee aan ana Albaabka kasoo xiraayo baa waxaan soo noqday Hooyo oo walaashay Madaxa dhulka ugu garaacaysa oo leh ii sheeg cida aad Uurka u leedahay walaashay ayaa xanuunkii is heyn kari weyday, waxeyna sheegtay inay Sabri u leedahay.
Hooyo markay intaa maqashay bey suuxday, ka dib aniguna waxaan u yeeray Ambulance isbitaalka u qaada Hooyo iyo walaasheyba Dhakhtarkii markii la geeyay baan markaan in yar sugaayey ii soo baxay dhakhtarkii oo sida ilmo yar, waxaan weydiiyey Walaasheey ka waran?, wuxuu igu yiri ilaahay ha u Naxariisto wey geeriyootay.
Markuu ii sheegay baan Oohin iyo Qeylo dhulka fadhiistay anoo u qaadan la’ geerida walaashey, oo barooranaaya ayuu dhakhtarkii kale ee Hooyo daweynaayey u aaday si aan Hooyo uga war doono iyadana xaaladeena, wey iska liidatay, balse waxba uma sheegin.
Ka dib waxaa ii timid kalkaalisadii, waxeyna ii keentay ilmihii yaraa ee ay dhashay walaashay oo ahaa Wiil yar oo qurux badan waxay igu tiri ilmaha yar qaado Isbitaalka ka bax oo guriga u kaxee. Inankii ay walaashay dhashay baan soo kaxaystay anigoo u bixiyay Ilyaas, waxaana keenay gurigii lacag yar oo aan sidayna caano ayaan ugu soo iibiyay waxaan is iri waa inaad ninkii Sabri raadisaa ood ka doontaa Xaqiinii, Nasiib wanaag waxaan helay waraaqdii ay Hooyo ii sheegaysay inuu Sabri ina adeerkii Lacag ugu soo diray waxa ku qornaa reerka uu Sabri ka soo jeedo magacooda iyo magaalada ay dagan yihiin, ka dib waan is diyaarinay aniga iyo ilyaas yare, waxaana qaadanay xoogaa Maryo ah iyo Lacag yar, ka dib Baskii tagayey magaaladii Sabri baan raacnay Baska waxaa Kursiga iga soo horjeeda fadhiyey Nin aad ii eegaya oo aan ka yaabay.
Ka dib markii aan gaariga muddo saarneen waxaan ogaaday ninkan na eegayaa inuu indho la’yahay oo aanu waxba arkayn waan ka naxay miskiinka, ka dib waxaan soconaba magaaladii aan ku socday markii la gaaray baan ka dagnay Baabuurkii, dad meesha maraayayna waxaan weydiiyey halka ay ku yaalaan magwcii reerka intaan u sheegay waalay tilmaamay Taxi baan kiraystay oo meeshii tilmaamtaan tagay gurigu wuxuu ku yaala meel cidla ah markaan gaarigii ka dagay waxaan la kulmay.
Ka dib markii aan taksiigii raacay een damcay inaan tago gurigii tilmaamta ee Sabri wuxuu taxigii ila socdaba waxaan soo gaarnay guri ku yaala meel cidla ah ninkii gaariga wadayna wuxuu igu yiri soo Deg waxaan weydiiyey ma halkanaa tilmaanta waraaqda ku qoran, ka dib ninkii intuu xanaaqay ayuu yiri ha i weydiine soo deg, intaa markuu yiri baan naxay, waxaan ka baqay in nalala baxsado Aniga iyo ilyaas yare anoo ka shakiyey inuu taksiiluhu tuug yahay waan iska aqbalay oo gaarigii baan ka dagnay, ka dib gurigii buu garaacay ninkii markii nalaga furay baa la yiri hore u soo socda waanu galnay.
Qolkii nala galiyey waxa ku jiray Oday aad u weyn wuxuu i weydiiyey yaa tahay? maxaadse naga dooneysay ?. waxaan ku iri anigu waxaan reerka ka rabaa waa Sheeko dheer umana maleynayo inay idin khusaysee fadlan i fasaxa.

πŸ‘
πŸ’¬
❀️
βœ…

Love❀️ kuyaaciya❀️

⬇️
@SheekooyinJacayl ❀️
QUDBO SIIRO | Q3Β²

ka dib Odaygii wuxuu yiri waxa dhici karta inaan ku caawiyo ee noo sheeg, ka dib waan ka aqbalay waxaana u bilaabay Qisadeyda bilow ilaa dhamaad markii aan u dhameeyay Odaygii wuxuu yiri isagoo la hadlaya inankiisii taksiilaha ahaa iska fasax gabadhani waa qof la dulmiyey sideena oo kale.
Ka dib waxaan ku iri oo idinkana muxuu idinku sameeyay Sabri?, wuxuu yiri Sabri anaga waxba naguma samayn ee walaalkiis Baasim la yiraahdo ayaa dulmi noo geystay wuxuu naga guursaday Inantayadii, ka dibna wuu furay markay waxba isu dhali waayeen, waayo ciladu xagiisa ayey ahayd lacago iyo waraaqo kale oo muhiim ahna wuu naga heystaa markaa waxaan kaa rabnaa inaad na caawiso.

πŸ‘
πŸ’¬
❀️
βœ…

Love❀️ kuyaaciya❀️

M A H A D S A N I D I N
Wax la sadaqeysto waxa ugu fiican like & fallowπŸ’ž
Fadlan noogu deeq fallow❀️❀️πŸ₯ΉπŸ₯Ίhttps://www.tiktok.com/@abwaan_saajac?_t=8ZQhq3CLu3p&_r=1
QUDBO SIIRO I Q4AADβœ…

Waxaan weydiiyey sida aan u caawin karo, wuxuu ii sheegay inaan guriga Baasim tago oo aan iska dhigo gabar shaqaale ah oo shaqo u baahan, ka dib sidaan ula joogo markaan guriga kala barto iyo Alaabta meesha uu dhigo inaan waraaqaha ka soo xado oo aan isaga u keeno.
Kadib waxaan weydiiyey odaygii anigu waxaan ka faaidayo markaan hawshaa iyaga dartood u qabto wuxuu igu yiri waxaad ka faa’idaysaa hadaad intaa dhameysid waxaan kuu balan qaadayaa inaan Ninkii Sabri ee idin dulmiyey aan soo qabanaayo, xaqaaqiina ka qaadayo waliba aan ku khasbaayo inuu nasabka ilmaha yar Sugo, oo uu biilna siiyo.
Intaa markaan maqlay waan farxay waana aqbalay inaan caawiyo odayga, oo aan waraaqahana ka soo qaado Baasim, ka dib inankii odaygu dhalay baa i qaaday oo gurigii Baasim i geeyay, Albaabkii markaan garaacay waxa iga furtay islaan weyn oo ii sheegtay inay tahay barbaarisadii Baasim.
Ka dib islaantii waxaan u sheegay inaan rabo shaqaalanimo waxay iigu jawaabtay Sug intuu inankaygii imanayo jawaabta isagaa ku siin ee orod banaanka iska yara fadhiiso.
banaankii markaan usoo baxay waxa ooyay ilyaas yare caanihii aan u sidayna wey ka dhamaadeen waxaan aamusiiyaba Ninkii Baasim baa yimi gurigii, ka dib islaantii baa i tiri:- Soo gal waa kan inankiiye, waxeyna u sheegtay waxaan rabo. ka dib wuxuu i weydiiyey ilmaha ma adaa dhalay?, Haa baan iska iri oo waa Agoon, ka dib wuu iga aqbalay inuu xaafadiisa iga shaqaalaysiiyo.
Ka dib markaan shaqadii bilaabay ayaa habeen habeenada ka mid ah waxaan dibada la soo fadhiistay ilyaas oo ooyayay anoo isku dayaaya inaan aamusiiyo, in yar kadib waxaa i soo hor istaagay Baasim wuxuuna igu yiri:- waxaan kaa daΔΊbanayaa Shey. haye baan iri wuxuuna igu yiri:- Ka waran hadaan ku guursado waxaan rabaa inaad ilmo ii dhashid madaama oo aanan Caruur lahayn, ka dibna hadaad i yeeshid waxan kaa dhigayaa taajirad.
Ka dib markuu iga dalbaday Baasim guur si aan Wiil ugu dhalo wuxuu ii raaciyey inuu guurku qarsoodi ahaan doono oo haddaan wiil dhalana uu shaacin doono guurka igana dhigi doono taajirad, haddii ilmaha aan dhalaa uu noqon waayo Wiil wuxuu yiri waan dafiri doonaa inaan ku guursadayba, xitaa ka dib bandhigaa waan ka fikiray oo waxaan ogaaday in haddaan wiil dhalo oo uu taajirad iga dhigo Baasim inay ii fududaan doonto inaan Sabri ka soo qaato xaqayga. Waan aqbalayoo waxaan ku iri:- Waa inaan Aqalgalku dhicin ilaa aan ciddada ka dhameysto. anigoo been u sheegaayay, waayo ciddana iima socoto, ilyaas yarena anigu maan dhalin.
Ka dib isna wuu i aqbalay muddo kadib waxa aan bilawnay nolol fiican aniga iyo ilyaas yare, waayo si aad u heer sareysa ayaa naloola dhaqmay, Baasim sidoo kale waan isla qabsanay oo si aad u fiican baan u wada dhaqmeynay, laakiin kala qol baanu seexan jirnay oo waanigii ka dhaadhiciyey intay ciddadu dhamaaneyso inaanu dhicin Aqal gal.
Ka dib waxay sidaa noloshu ku sii socotaba maalin maalimaha ka mid ah waxaa guriga timid Baasim Xaaskiisii weynayd waxaana la oran jiray Saxar, ka dib waxaan dareemay in haddii aan guriga iska joogo ay iga shakiyi doonto ileen ma oga inaan Baasim si qarsoodi ah isku guursanay. Ka dib waxaan damcay inaan hablaha shaqeynaya iska dhigo inaan la shaqaynayo oo aan Jikada la galo, maalin waxaa jikada noogu soo gashay Saxar, Baasim xaaskiisii ka dib intay aad ii eegtay ayey ii yeertay iyadoo gacanta iigu tilmaameysa inaan ka daba imaado, waxaan tagnay fadhigii waxey igu tiri: yaa tahay ?, waxaan ugu jawaabay: waxaan ahay Shaqaale cusub. ka dib waxay u yeertay gabadhii shaqaalaha Masuulka ka ahayd waxeyna ku tiri: Soo sii inantan Lacagtii ay inoogu shaqeysay, ka dibna fasax. Markaas ayaan ku iri: Maxaa dhacay marwo ma wax dhibaan sameeyay ?. Waxey igu tiri Maya wax dhiba maad samaynin ee anigaan kaa helinba waad iga soo booday, markaan sidaa kuu arkayba.
Markay intaa tiri waxaa xagayaga dambe ka soo hadlay Baasim oo yiri: Maxaa dhacay Saxar, sidee u eryi kartaa qof aan anigu shaqaalaysiiyey ?. ka dib waxay ku tiri Saxar intay is beddeshay Maan moodeyn inaad adigu shaqaalaysiisay iskaba daa ha joogtee.
πŸ‘
πŸ’¬
❀️
βœ…

Love ku yaaciya❀️
Sheekooyin Jacayl
QUDBO SIIRO I Q4AADβœ… Waxaan weydiiyey sida aan u caawin karo, wuxuu ii sheegay inaan guriga Baasim tago oo aan iska dhigo gabar shaqaale ah oo shaqo u baahan, ka dib sidaan ula joogo markaan guriga kala barto iyo Alaabta meesha uu dhigo inaan waraaqaha ka…
QUDBO SIIRO I Q4Β²AAD

Intaa ka dib aniga intay i soo eegtay ayey igu tiri Orod shaqadaada qabso. waan ka soo dhaqaaqay shaqadiina sidii ayey maalintii ku dhamaatay oo aan Hablihii shaqaynayey ula shaqeeyay, ka dib habeenkii markii la gaaray baan ilyaas yare seexiyay aniguna Sariirtaan ku fadhiistay anoo fikiraaya.

πŸ‘
πŸ’¬
❀️
βœ…

Love ku yaaciya❀️

⬇️
@SheekooyinJacayl
Asxabey Sheekadii Inoo socotay Sidokle waxan Ka bilaabayaa Facebook-gayga
Fadlan Kala socda Facebook Like Fallow Ku booba Ku mahadsanid Tageeradiina πŸ‘‰ https://www.facebook.com/profile.php?id=100068736093376
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Sheekooyin Jacayl
⚜ Sticker
Hamblyo hamblyo Kannaalkeena @SheekooyinJacayl Ayaa gaaray 2.7k Waxaan saaranahay jidkii 3k.
Fadlan Hamblyo soo dhahaπŸŽ‰πŸŽ‰
QUDBO SIIRO | Q5aad

Waxaan ka fikiraayey waxa aan kala kulmi doono gabadhan Baasim, inyar kadib waxaa Albaabka igu soo garaacay Baasim, markaan ka furay ayuu isagoo aad ii eegaya igu yiri:- Sideed u leedahay Saxar waxaan ahay shaqaale?.
Ka dib waxaan ku iri:- Oo hadda maxaad rabtay inaan ku iraahdo, sow igu oran mayso maxaad guriga ka qabaneysaa, umana sheegi karo inaan Xaaskaaga ahay, waayo waynagii ku balanay inuu Guurku qarsoodi ahaanayo.
Intaas ka dib wuu i kaxeeyay wuxuu i geeyay qolkii ay gabadhiisii Saxar ku jirtay wuxuu yiri Baasim intuu qeyliyey:- Naayaa Saxareey gabadhani waa xaaskeyga cusub ee waa inaad hadda ka dib si fiican ula dhaqantid.
Ka dib intay sidaa noosoo eegatay ayey iska dhigtay inaaney dan ka laheyn, waxeyna igu tiri Mabruuk Caruusada cusub. anna waxaan ku iri Alle haku barakeeyo. ka dib waanu ka soo baxnay qolkii Saxar, Aniga iyo Baasim oo qolkeenii baan soo galnay waxaan weydiiyey Baasim sababta uu u bedelay go’aankiisii ahaa inuu Guurku qarsoodi ahaanayo, wuxuu iigu jawaabay May qarsoodi ma ahaanayo, weliba waxaan kuu dhigayaa Aroos weyn, sababtoo ah waan ku jeclaaday, ka dib wuxuu yiri Waa inaad is diyaariso intaa Arooska ka hartay adna ay Ciddadu kuu dhamaaneyso. waan farxay waana ka aqbalay.
Ka dib maalin maalimaha ka mid ah iyadoo uu Arooskii iyo cidadeydii wax yari ka harsan tahay ayaa waxa Albaabka igu soo garaacay Baasim, wuxuuna igu yiri Kaalay xabiibi qolka fadhiga waxaa jooga dad aanu Ehel nahay oo aan rabo inaan ku baro.
Haye baan iri waan kaa daba imaanaya ee iga sii hor mar intaan is yara hagaajinayo, markii aan is hagaajiyey baan ka soo baxay qolkii anigoo ku waajahan fadhiga si aan Baasim ehelkiisa ula kulmo. markii aan qolkii galay waa naxay waayo Ehelkii uu sheegayey waxa ku jiray Sabri, ka dib Baasim wuxuu bilaabay inuu i kala baro Sabri iyo dadkii kale, laakiin anigu umaan jeedin waayo aad baan uga naxay aragtida Sabri aan arkay, ka dib markii aan wada fadhiisanay in yar ka dib waan ka soo baxay anigoo ku marmarsiyooday inaan Hablaha shaqaynaya cashada la soo eegayo, waan ka soo baxay qolkeygiina degdeg baan u soo galay anoo naxsan oo ka fikiraaya inuu Sabri uu Baasim wax kasta u sheegi doono oo uu u sheegi doono inaan innan ahay oo aanan ilyaas yare Anigu dhalin.
Ka dib waxaan is iri baasim haduu xaqiiqada ogaado wuu ku dhibaateyn, sidoo kalana ilmaha yarna inuu dhibaateeyo baan ka baqay, ka dib anoo qolkaygii ku jira baan maryahaygii iyo kuwii ilmahaba uruuriyay oo aan Shandad ka buuxiyey, ka dib meel baan ku qariyay Shandadii waana iska fadhiistay anoo sugaya inuu Baasim soo galo qolkeyga isagoo Sabri u sheegay xaqiiqada sidaan u fadhiyey ayuu Baasim Albaabka ii soo garaacay anoo gariiraya ayaan ka furay, wuxuu igu yiri Xabiibti maxaa ku helay dib noogumaad soo noqon. Ka dib waxaan iri waxba laakiin waan yara daalanahay oo waan iska nasanayaa anoo niyadana ka faraxsan, waayo waxba uma sheegin Sabri.
Intaas ka dib wuxuu igu yiri Baasim hayee iska fadhi anigu waan yara baxayaa oo asaxaabta ayaan u yara tagayaa, laakiin hasii seexanin markaan soo noqdo waan cawaynaynaaye. haye baan ku iri waanu baxay.
markuu baxay baan is iri yara naso oo Sariirtii baan ku jiifsaday sidaan u jiifay waaba gam’ay markaan inyar hurday waxaan ku soo kacay maro leygaga hayo Afka iyo Sanka markaan indhaha kala qaaday ee aan eegay qofkan igu haya Marada mise waaba Sabri markaan is iri iska difaac waanba suuxay ileyn Maradu Sun bay lahayd, muddo ka dib baan soo kacay waxaana fahmay inuu Sabri i kufsaday.
πŸ‘
πŸ’¬
❀️
βœ…

Wey soo daahdee Love ku
Cimaamada❀️

⬇️
@SheekooyinJacayl
Kannaalka Turjumaad waxaan kusoo gudbineynaa; Xikmado, Odhaahyo & Maahmaahyo laguugu soo turjumay Afkaaga Hooyo.
t.me/Turjumaad
Sheekooyin Jacayl pinned Β«Asxabey Sheekadii Inoo socotay Sidokle waxan Ka bilaabayaa Facebook-gayga Fadlan Kala socda Facebook Like Fallow Ku booba Ku mahadsanid Tageeradiina πŸ‘‰ https://www.facebook.com/profile.php?id=100068736093376Β»
QUDBO SIIRO | Q6AAD

Baroortii iyo Oohintii ayaa iga dhamaatay waxaan qufushay qolkii, kadib anoo ooyaya baan jiifsaday, ka dib Baasim ayaa soo noqday wuu igu soo garaacay Albaabkii isagoo leh Maad seexatay aynu yara Cawaynee. ka dib waxaan iska dhigay inaan Hurdo, ka dib wuu iga tagay Subaxnimadii baan kacay waan maydhay oo waan is hagaajiyey in yar ka dib waxa ii soo garaacay albaabka Baasim oo leh kaalay nala Quraaco waan raacay anigoon waxba dareensiin, ka dib waan la fadhiistay laakiin waxaan arkay in Sabri iyo Xaaska weyn ee Baasim oo isla hadlayeen waliba si hoose, cuntadu markii la dhameeyay ayay Xaaskii Saxar ku tiri:- Baasimoow ina mari waxaan rabaa inaan gaar kuula hadlo.
Ka dib waxaa Miiskii quraacda ku soo haray Aniga iyo Sabri anoo huruufaya intaanan hadal bilaabin ayuuba isagu bilaabay wuxuuna igu yiri:- Xagaad ka keentay inaad ina adeerkay Baasim ku tiraahdid Carmal baan ahay, oo waxaan dhalay ilmo yar ma inaad dadka ku khiyaantid baad rabtaa, caruur aanad dhalin?.
Ka dib intaan ku qeyliyey baan iri:- Aamus Wasakhyahow, ilmaha Walaashey aad adigu qiyaantay baa dhashay.
Wuxuu igu yiri:- Narkaa ma Anigaa dhalay ilmaha ?. waxaan ku iri Haaa adigaa dhalay.
Kadib markii aan u sheegay Sabri inuu isagu dhalay ilmaha yar, wuu yaabay ka dib wuxuu igu yiri waxaan kaaga baahanahay inaad i caawisid anigu Baasim walaalkii ma ihi ee ina adeerkii baan ahay adeerkeyga iyo wiilkiisa Baasim waxay naga dhaceen Dhaxalkii awowgeey, markaa waxaan rabnaa inaan ka Aar goosano ninkan Baasim.
markuu intaa yiri baan ku iri:- Baasim waxa uu u egyahay Nin fiican. anoo hadalka is leh wad buu Sabri iga soo dhex galay markaasuu yiri:- adigu Baasim miyaad jeceshay ?, ka dib intaan u jawaabin baan niyada iska iri hadaan u sheego inaan Baasim jecelahay waxaa laga yaaba inuu i dhibaateeyo.
Ka dib waxaan ugu jawaabay Maya ma jecli ee waxaan iskaga dhigayaa inaan jeclahay. waxa aan rabay inaan kaa soo dhiciyo xaqii Hooyo iyo Walaashay. ka dib wuxuu igu yiri:- Haye ee ku soo noqo hadalkeenii ma ogoshahay inaad na caawisid si aan Baasim uga Aar goosano?. intaanan u jawaabin ayaa waxaa gadaashena ka soo hadlay qof oo yiri Haa wey ogoshahay inay ku caawiso, maxaadba la weydiin waan eegay qofka uu yahay mise waaba Saxar, oo ah Baasim xaaskiisa weynayd waan yaabay. waxaan ku iri Miyaad la ogayd Sabri waxan uu wado, ka dib waxay iigu jawaabtay:- Haa waan la ogahay ana sidoo kale inaan Baasim ka aargoostaan rabaa.
Waxaan weydiiyey sababta ay Baasim uga aar goosanayso. waxay iigu jawaabtay:- Waayo wuu i bahdilay oo adiga buu ila kaa guursaday wuuna ii ogolaan waayey inaan Amarkiisa ka soo hor jeesto.
Ka dib waxaan ku iri:- Qaa Saxe aniga iminka maxaa igu kiin khasbaaya inaan idin caawiyo? Sabri baa degdeg iigu jawaabay oo yiri:- Markii aan ku kufsanaayey xalay Video baan kaa duubay, sidoo kalena iminka markaad laheyd Baasim ma jecli ee inaan kaa Bargoostaan u guursaday waan duubaayey codkaagii haddii aad diido inaad na caawisid labadaba Baasim baan tusayaa waxaadna ogaataa in uu adiga iyo ilyaas yareba Kow idinkaga siinaayo.
Ka dib Markaan garan waayay meel aan ka baxo waxa aan iska yeelay inaan caawiyo, in yar kadib waxaa noo soo galay Baasim oo ka yimi meeshii ay Saxar u dirtay markii hore si ay u mashquuliso intaan wada hadleyno.
Intaa ka dib habeenkii markii la gaaray baan qolkaygii iska galay anoo qufushay waxaana ku fikiray inaan intaan ilyaas yare qaato aan baxsado Caawa markay wada seexdaan si waxaan oo mashaakil ah aan uga dhex baxo. anoo qolka ku jira oo fikiraya ayuu Baasim igu soo garaacay Albaabka, wuxuuna igu yiri markaan ka furay:- Maxaa ku helay maanta uma ekid qof caadi ah?.
Waxaan ku marmarsiyooday Xanuun been ah, oo intuu yiri Alle haku caafiyo ayuu iga baxay.
Haddana markaan in yar joogay oo aan is leeyahay dharka iska beddel ayaa waxa ii soo galay Sabri, ka dib wuxuu igu yiri si indha adayg ah:- Waxaan rabaa inaan si qarsoodi ah isku guursano.

πŸ‘
❀️
πŸ’¬
βœ…

➑️ @SheekooyinJacayl
Sheekooyin Jacayl
QUDBO SIIRO | Q6AAD Baroortii iyo Oohintii ayaa iga dhamaatay waxaan qufushay qolkii, kadib anoo ooyaya baan jiifsaday, ka dib Baasim ayaa soo noqday wuu igu soo garaacay Albaabkii isagoo leh Maad seexatay aynu yara Cawaynee. ka dib waxaan iska dhigay inaan…
QUDBO SIIRO I Q6Β²AAD

ana intaan xanaaqay baan ku iri:- Iiga bax qolka xayawaanyahow wasakha ah, haddii kale waxaan kuu sheegayaa Baasim wax kasta oo aad igu tiri, ka dib anigo hadalkii wada ayaa waxaa AΔΊbaabka soo garaacay Baasim oo leh inaan kula hadlaan rabaa. waa naxay oo Sabri baan ku iri dhuumo yaanu ku arkin, balse Sabrigii wuu naxsanaa oo wuu dhaqaaqi waayay, isla markiiba Baasim wuxuu soo furay Albaabkii.
πŸ‘
❀️
πŸ’¬
βœ…

➑️ @SheekooyinJacayl
Forwarded from Kooxda Kobcis
πŸŽ‡ Wakhti Wanaagsan πŸŽ‡

@KOOXDA_KOBCIS

πŸ’‘ "Wax Akhrisku waa Furaha Guusha" πŸ”
β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’

┏━━━━━━━━━━━━━━━━━━┓
✿ πŸ“š @SheekooyinJacayl πŸ’” ✿
✿ πŸ“š @SheekooyinJacayl πŸ’” ✿
┗━━━━━━━━━━━━━━━━━━┛
⬇️
┏━━━━━━━━━━━━━━━━━━┓
✿  πŸ“₯ @Ifiyaha_NoloshaπŸ“₯    ✿
✿  πŸ“₯ @Ifiyaha_NoloshaπŸ“₯    ✿
┗━━━━━━━━━━━━━━━━━━┛
⬇️
┏━━━━━━━━━━━━━━━━━━┓
✿     πŸ“š  @DhigaalBooksπŸ“š    ✿
✿     πŸ“š @DhigaalBooks πŸ“š    ✿
┗━━━━━━━━━━━━━━━━━━┛
⬇️
┏━━━━━━━━━━━━━━━━━━┓
✿      ➑️  @Turjumaad  ✍       ✿
✿      ➑️  @Turjumaad   ✍     ✿
┗━━━━━━━━━━━━━━━━━━┛
⬇️
┏━━━━━━━━━━━━━━━━━━┓
✿ πŸ’Ž @Dhemantt β˜‘οΈ ✿
✿ πŸ’Ž @Dhemantt β˜‘οΈ ✿
┗━━━━━━━━━━━━━━━━━━┛
⬇️
┏━━━━━━━━━━━━━━━━━━┓
✿   ➑️ @Afsoomaaliga  ✍     ✿
✿   ➑️ @Afsoomaaliga ✍      ✿
┗━━━━━━━━━━━━━━━━━━┛


πŸ‘‰ "Kubiir Oo Ka Faa'iideyso"

β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’
πŸ§‘β€πŸ’» "Kanaalka Ifiyaha Nolosha waxaad ka hellaysaan Xikmado, Murti, Dhiirigelin, Iyo qoraallo Ku xiisa geliya.
13-03-2022.
πŸ‘¨β€πŸ’»
___
Si aad linksgan ugusoo
biirto, La xidhiidh. @Abwaan_Saajac
▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁

✿✿✿✿✿✿✿✿✿✿✿✿✿✿
ꜱᴘᴏɴꜱoʀᴇᴅ ʙʏ:
πŸ“Œ @Ifiyaha_Nolosha
πŸ“Œ @Turjumaad

βœ… Https://T.me/Turjumaad
↬❒ Dhammaad ❒↫
QUDBO SIIRO | Q7AAD

Ka dib markii uu Baasim Albaabka nagu soo garaacay aniga iyo Sabri oo qolkii ku jirna waan naxay oo Sabri baan ku iri is qari, isna aad buu u naxay oo wuu dhaqaaqi waayey, ka dib Baasim ayaa Albaabkii gil-gilay wuuna furi waayey, ka dib Sabri baa iri waan ilowsanaa, lakiin Alxamdulilaah Albaabka markaan soo galayaan qufulay, ka dib waxaan dareemay inaan fursad heysto aan Sabri ku Khasbi karo inuu saxiixo waraaqdii nasabka ilyaas yare inuu isagu dhalay.
Ka dib waxaan ku iri Sabri:- Sow maydaan doonayn inaan idin Caawiyo si aynu Baasim u dilno adiga iyo Saxar?. wuxuu ku jawaabay Haa. waxaan ku iri Hayee ka waran hadaan iminka intaan qolka ka furno aan gudaha u soo jiidno, ka dibna dilno. wuxuu yiri:- Miyaad waalan tahay hadduu ina arko inaynu qolka ku wada jirno labadeenaba wuu isla keen dilayaa. kadib waxaan iska dhigay inaan dan ka lahayn oo waxaan ku iri Dhib male anigu ma kala jecli Geeri iyo Nolol ee adigu hadaad naftaada jeceshahay Warqada nasabka sugeysa ii Saxiix inaad ilyaas adigu dhashay.
Ka dib wuu xanaaqay Sabri oo wuu diiday inuu Saxiixo. waxaan ku iri Bas waayahay adiga ayey kuu taala waan ka furayaa Albaabka Baasim una diyaar garow inaynu labadeenuba isla dhimano. wuxuu igu yiri:- Bes keen waan saxiixayaye. wuuna ii saxiixay. ka dibna wuxuu igu yiri Sheeg hadaba sidaad inoo badbaadin lahayd. waxaan ku iri Waayahay hore u soco oo Musqusha xiro wuu galay musqushii, aniguna waxaan Albaabkii qolka ka furay Baasim oo yaaban.
Baasim wuxuu yiri Maxaad albaabka iiga furi weyday ?, waxaan ku iri waan Qubeysanaayay ee maxaad rabtay ?, Wuxuu yiri:- Soo eeg baan is lahaa inay seexatay iyo in kale. ka dib waxa aan ku iri May maan seexan ee xoogaa baan soo jeedayaa ilyaas intuu seexanaayo iminka waxaan rabaa inaan qolka barbaarisada ka soo kaxeeyo ilyaas. Wuxuu iigu jawaabay iska daa anaa kaaga soo qaadayee. Haye baan iri markuu baxay baan Sabri ku iri ka soo bax Suuliga oo iska tag, intuusan soo noqon wuu baxay Alxamdulilaah. dhacdadiina sidii ayey ku dhamaatay baasim oo aan waxba ogaan.
Muddo ka dib noloshii caadi bey u socotay kii Sabrina qolkayga mar dambe wuu ku dhici waayey inuu soo galo dhacdadii ka dib.
Arooskeygii aniga iyo Baasim markay maalin ka harsan tahay ayaa waxa albaabka qolka igu soo garaacday inantii guriga ka shaqaynaysay waxeyna igu tiri gabar baa ku doonaysa. waxaan iri Soo daa.
Gabadhii markii ay ii soo gashay qolka waxay ahayd gabadh niqaaban Albaabkii qolka ayey xirtay waxeyna iila soo baxday Mindi weyn waan naxay waxaan ku iri:- Yaa tahay oo maxaad iga rabtaa. kadib iyadoon ii jawaabin bey niqaabkii iska rogtay waan naxay waayo waxay ahayd Qof aanan meeshaba la filanayn.
Waaba ninkii taksiilaha ahaa ee uu dhalay Odaygii igu yiri Baasim waraaqo ayuu naga haystaa ee nooga soo qaad. wuxuu igu yiri Ninkii:- Aaway waraaqihii uu Aabahay kugula balamay inaad u soo qaadid waxaaba ley sheegay inaad Ninkii is guursanaysaan sidee wax u jiraan, hawl baanu kuu soo dirsanee.
Waxaan ku iri aniga lagama yaabo inaan Baasim khiyaameeyo oo aan ka xado waraaqo aanu ogayn. wuxuu igu yiri ninkii oo sideed uga baxdaa Balantaad noo qaaday Aniga iyo Aabahay, ma waxaad na mooday dad balantooda si dhayal ah looga bixi karo?, waxaas Niyadaada ka saar haddaad iminka soo qaadi weydid Waraaqaha Adiga iyo baasimba kow baan idinkaga siinayaa waliba Saabir iyo Saxarna Aniga ayey ila jiraan.
markaan arkay siduu iigu hanjabayo ninkii baan ku iri waayahay waan ogolahay lakiin Hal Shardi baan wataa, Baasim wuu igu kalsoon yahay haduu i ogaado inaan khiyaameeyayna Guurka wuu ka noqon doonaa markaa waxaan kaa rabaa inaad Lacag Ii saxiixdid 2000$, ka dib ninkii intuu qeyliyey ayuu yiri:- Waa lacag badan kumana siin karno. waxaan ku yiri:- idinkuma badnaanayso hadaan Baasim waraaqaha idinka soo qaado waraaqahaas oo ah lacago fara badan oo aad ku laheydeen cadayntoodii.

πŸ‘
❀️
πŸ’¬
βœ…

➑️ t.me/SheekooyinJacayl