Sheekooyin Jacayl
11.9K subscribers
43 photos
1 video
1 file
349 links
Kanaalkaan @SheekooyinJacayl waa kanaal aad ka heli doonto
Sheekooyin isugu jira /Jacayl❤️ /Qosol😁 /Taxane↪️ /sheekooyin iyo /Qoraalo xiiso badan😘

***
Maamule: @Abwaan_Saajac
Download Telegram
Soo dhowaada, kanaalkaan Hadii alle idmo waxaad ka helaysaan Buugaag PDF Af-soomaali Ku qoran.
https://t.me/DhigaalBooks
Naftaydaay gacalo : Dear Me🧏‍♂️

Weli wadada hortaydu way dheer tahay , laakiin waxa aan go'aansaday in aanan marnaba joojin socodka. Marwalba nolosha dhibaatooyin ayaa jiri doona, Sidoo kalena marwalba laba albaab oo aad kala dooranayso ayaa jiri doona : in aad noolaato nolol farxad lahayn adiga oo tirinaya mushaakilkaga
ama in aad noolaato nolol farxadi ku dheehan tahay adiga oo tirinaya nimcooyinkaaga.
Albaab kasta oo aad dooranayso ayaa go'aamin doona in farxad la duuli doonto iyo in aad xabsi murugo ah geli doonto.

jacaylkayga adigaa iska leh Naftaydaay.

Buuga : Naftaydaay Gacallo Ee Uu Qoray Mohamed Qaamuus

@DhigaalBooks
HANBALYO💯
HANBALYO💯
HANBALYO💯


Asalaama Calaykum
Salaan kadib,
Waxa aan caawa nasiib u yeellaney in soo gaarno Xisaabta Buuxda Ee Tobban kun (10000k) marka koowaad waxaa mahada iska leh Allah Marka xigtanna Aad iyo Aad ayaan ugu Mahadcelinayaa dhamaan Asxaabta Ku xiran Kanaalkan.
👏👏

Mahadsanidiin Dhammaan.



-@SheekooyinJacayl
Miyaan Qirtaa mise wan qarsadaa.

Qaybtii 10naad

Si cad ayey xafsa uga hortimid soo jeedintii saaxiibteed waxa ayna si qayaxan ugu sheegtay in ay laabaneyso ayna ka go'an tahay inay halkaa ku soo afmeerto safarka ayadana ay kula talin laheyd inay soo raacdo haddii ay diidana ay go'aankeeda u madax bannaan tahay ikraan oo ka xanaaqday hadaladaa ayaanan wax jawaab ah ucelin saaxiibteed inta ay shandadeedii soo qabsatay ayeyna iska barkatay si ay xoogaa isu kala bixiso.

Halka wiilkii iyo xafsana ay sheekadoodii iska sii wateen ayadoona aad uga mahad celisay sida wacan ee uu ugu sharaxay tahriibta iyo dhibkeeda waxay ayna sidoo kale weydiisay halka uu safarkiisa ku wajahan yahay iyo inuu ku cusub yahay safarka ama in kale wuxuu usheegay in uu muqdisho degan yahay balse uu dhowr jeer sannadkii uu sidan usoo safro si uu usoo booqdo waalidkii oo ku sugan gobolka ay ku wajahan yihiin xafsa ayaa weydiisay mar kale halka uu ka degan yahay muqdisho maadaama ay ayaduba degan tahay wuxuu usheegay inuu degan yahay degmada hodan halkii ayey sheeko umuuqata mid is barasho ah ku wadaageen.

Waxay sidaa isugu baxdaba ugu dàmbyn waagii ayaa baryay dhamaan rakaabkii ayaana soo wada toosay si ay usii amba qaadaan safarkooda wax yar oo is diyaarin ah ka dibna gaarigii ayaa leysku wada shubay waana ay dhaqaajiyeen balse gabadhii ikraan aheyd weli waa ay careysneyd oo lama aysan hadleyn saaxiibteed xafsa ayaana ka codsatay in aysan ka xumaan go'aankii ay qaadatay aadna ay ugu farxi laheyd haddii ay ku raaci laheyd laakin wax jawaab ah ma aysan siin mar kale.

Waxay sii socdaanba waxaa la gaaray halkii ay xafsa uga hari laheyd safarka gaarigii ayaana is taagay si uu halkaa ugu dejiyo qaar ka mida rakaabkii halkaa doonayay xafsa oo ka mid aheyd dadkaas degaya ayaana utagtay wiilkii soona si ay usoo macsalaameyso number ayeyna ka soo qortay sidoo kale saaxiibteed ikraan ayey soo macsalaameysay ayadoo urajeysay qeyr iyo wanaag laakin intii aysan soo degin ayaa waxa goobtii yimid gaari ay askar ka buuxdo kaa soo lagu hor gooyay baabuurkii safarka ahaa askartii ayaana bilowday in ay qab qabtaan cid walba oo gaariga ka soo degtay waxa ayna weydiinayeen magacyadooda.

Dhamaan rakaabkii ayaa naxdin la wada gariiray qof walba waxa uu bilaabay inuu wax iska weydiiyo waxa meesha ka socda askartii oo ka soo dhamaaday intii degtay ayaana gaariga usoo gudbay xafsa oo albaabka taagneyd ayeyna weydiiyeen magaceeda oo saddexan waxayna usheegtay magaceeda isla markiiba ayagoon hadal kale gelin ayey soo xambaarteen gaarigoodii ayeyna ku riteen waana ay la tageen.

Ikraan oo falkaasi aad uga naxday ayaa ayadiina halkaa uga degtay gaariga si ay xog uun uga hesho halka loo watay saaxiibteed iyo waxa ay ahaayeen nimankii watay dad goobta ka dhowaa ayeyna weydiisay waxa ay ahaayeen nimankan watay gabadha waxaana loo sheegay inay yihiin askar amniga ah ikraan oo xoogaa yara nafistay maadaama ay ogaatay in aysan tuugo aheyn cida wadatay saaxiibteed laakin weli ay ka wer wersan tahay ayey hotel halkaa ku yiilay iska kireysatay si ay ugu nasato maadaama ay dhafarsaneyd.

Dhanka kale xafsa oo qeylineysa marna baryootameysa ayaa weydiisay askartii waxa ay ka doonayaan maadaama aysan wax fal dembiyeed ahi aysan sameyn waxey usheegeen in ayagaba la soo amray marka ay utageen qofka soo amray soo qabashadeedna ay ogaan doonto wax weliba sidii ay usoo wadeen ayeyna ugacan geliyeen odeygii uu aabaheed soo wakiishay kaa soo adeer koraad ugu aadanaa waana uu salaamay ayadoo ay naxdin iyo cabsi fara badan ka muuqata ayeyna salaanta ka qaaday.

Waxa uu weydiiyay waxa ay la baqaneyso waxay usheegtay in aysan garaneyn dembiga lagu heysto iyo waxa laga maagan yahayba odeygii ayaa markaa ka dib isku sheegay inuu yahay adeerkeed aabaheedna uu soo amray in la soo qabto sidaana lagu soo qabtay loona celin doono halkii ay ka timid xafsa oo aad moodo in culeys dul saarnaa laga qaaday ayaa usheegtay odeygii in ayaduba ay ku tala jirtay in ay laabato maadaama ay go'aankeedii badashay odeygii ayaa weydiiyay waxa ay ka dooneyso tahriibta ayadoo dhex joogta reerkeeda iyo tolkeeda wax ka maqanna
aysan jirin.

Waxay ugu jawaabtay in fikrad qaldan ay aaminsaneyd balse ay dib ka ogaatay in ay qalad ku taagan tahay ayadoo ku taameysa in ay dabeetana ay gacanta ku soo dhigeen odeygii oo arrinkaa uheysta mid ay dooneyso inay ku baxsato ayaana usheegay in wax walba oo ay noqotaba ay ku qasban tahay in beryo ay halkaa ku negaato inta uu aabaheed ugu geynayo waxay usheegtay in marba haddii ay tolka la joogto wax wer wer ahi aysan qabin iskana joogi doonto halkeeda.

Inta uu si fiican u eegay ayuu odeygii isku sheegay in gabadhani ay asaga ku haboonaan laheyd sidaa awgeedna ayba ku wanaagsan tahay inuu halkan ku heysto maadaama ay tolka uun tahay ina adeerkiina uu dhalay cid udiidi kartaana aysan jirin haddana waa isaga uune waxa uu is tusiyay in gabadhu ay gabar magaalo tahay sahalkaasna aysan ku oggolaaneyn guurkiisa balse ay iska ciyaal uun tahay qalbi caruurna leedahay siduu usasaban lahaana uu falankeed galo.

Maalinkaa wixii ka dambeeyay xafsa gurigii ayaa sidii boqorad looga dhigay amar aan keeda aheynna lagama fulineyn guriga si looga indha saabo in gebi ahaanba ay bixitaan ku fakarto halka odeygiina uu guda galay inuu si hoose ula hadlo aabaheed asagoo ka dalbaday in uu siiyo gabadha xafsa aabaheed ayaana usheegay in uusan dooneyn inuu qasbo gabadhiisa haddii ay ku qanacdo guurkiisana uu siin doono haddii ay diidana ay ayada umadax bannaan tahay go'aankeeda.

Odeygii ayaana ka oggolaaday siina laba jibbaaray soo jiidashadii uu ku doonayay inuu gabadha qalbigeeda ku hantiyo marka uu arkay in ay iska faraxsan tahay ayuuna uyeeray una sheegay ujeeddada uu ka leeyahay oo ah inuu guursado.

Tolow maxay ugu jawaabi doontaa xafsa ?

Mase ka aqbali doontaa mise waa ay ku gacan seyri doontaa ?

#MQMQ 10

Faceebok-geena SheekooyinJacayl.
🤔Xaggee Ka Isticmaalaysaa Telegram Saaka?




.
Sheekooyin Jacayl
Xaggee Ayaad Joogtaa;
Xog-Ururin Xaggee Ayaa Ugu Badan Oo Ay Nagala Socotaa Asxaabta Nagu Xiran👍
Miyaan Qirtaa mise wan qarsadaa.
Qaybtii 11aad

Diidmo qayaxan ayey xafsa kala hortagtay odeygii iyo guurkiisaba waxayna usheegtay in waqti xaadirkan ay dooneyso in ay hore usii wadato wax barashadeeda isla markaana aysan guur diyaar u aheyn odeygii oo isku dayaya inuu xaaladda dejiyo ayaan usheegay asagoo dhoola cadeynaya inuu  la kaftamayay oo kaliya ee uusan wax sidaa usii weyni jirin.

Dhanka kale gabadhii ikraan aheyd oo beryo ku qaadatay isla gobolkii ay xafsa ku sugneyd ayeysan usuura gelin inay hesho saaxiibteeda waxa ayna ku qasbanaatay in ay kaligeed iska baxdo maadaama ay ka hartay safarkii baqdin awgeed waxa ayna si toos ah ugu laabatay magaalada muqdisho waxa ayna guda gashay inay raadiso xafsa bal inay timid iyo in kale waxa ayna ogaatay in aysan weli iman.

Ikraan oo aad uga murugeysan xaaladda saaxiibteed ayaa utagtay reerkeeda waxayna usheegtay wax walba oo dhacay iyo in xafsa lagala dagay gaariga ayna garaneyn cid allaale iyo cidda ay yihiin marka laga reebo in ay askar yihiin sida ay usheegeen dadkii goobta joogay xafsa aabaheed ayaa usheegay in ay gabadhiisu ay bad qabto askartaasna uu asaga u adeegsaday si ay uga qabtaan safarka tahriibka ah ayna joogto hadda guriga adeerkeed ayadoo bad qabta.

Ikraan ayaana weydiisay goorta ay iman doonto marba haddii ay bad qabto wuxuuna usheegay in ay halkaa ku sugnaan doonto ilaa iyo inta fakarka tahriibka ahi uu kaga soo baaba'ayo waa ay iska soo tagtay ikraan marba haddii ay ogaatay in saaxiibteed ay caafimaad qabto waxa ayna iska soo aadday jaamacadda ismaaciil ayaana markiiba indhaha ku dhuftay asagoo si deg deg ah usoo aaday dhankeeda.

Waxa uu salaan ka dib weydiiyay xafsa iyo xaaladdeeda iyo waxa ku dhacay safarkooda maadaama uu ayada muddo ka dib arkayo ikraan ayaa uga sheekeysay wax walba oo dhacay iyo in xafsa ay badashay mowqifkeedii tahriibta ayna gacanta ku dhigeen askar uu aabaheed goobta ugu sii diyaariyay imikana ay ku sugan tahay halkaa ayadoo bad qabta ismaaciil oo aad ugu farxay arrinkaa ayaa usheegay in horraanba uu dhowr jeer uga digay balse ay ku madax adkaatay haddii ay garatay danteedana ayba wacan tahay waxa uuna weydiiyay goorta ay soo laabaneyso maadaama ay wax barashadeeda dayacan tahay waxay usheegtay in aabaheed uu doonayo inuu halkaa ku hayo inta ay ka illoobeyso sida uu sheegay fikirka tahriibka ah lamana oga inta ay qaadaneyso maqnaanshaheeda.

Dhanka kale xafsa oo maalmo badan ku sugneyd gobalkii ayaa u adkeysan weyday nolosha adag ee aysan ubaran oo halkaasi ka jirtay waxa ayna soo wacday aabaheed ayadoo ka codsatay in uu halkan ka kexeeyo maadaama ay ka tanaasushay fikirkii tahriibta ayna dooneyso inay sii wadato wax barashadeeda wuxuu usheegay in halkaa ay ku sugnaan doonto ilaa inta laga guursanayo ayadoo aad ubaryootameysa ayeyna usheegtay aabaheed in aysan xamili karin intaa ka badan nolosha halkaasi taalla.

Dood dheer ka dib waxa ay aabaheed ku qancisay inuu u oggolaado codsigeeda waxa uuna wacay odeygii tolka ahaa si uu ugu sheego in soo fasaxo gabadha hayeeshee odeygii ayaa ugu jawaabay in gabadhu aysan meelna halkaa uga socon maadaama uu doonayo inuu guursado wixii gabar laga geyn jirayna ay diyaar ka yihiin xafsa aabaheed ayaa usheegay odeygii in gabadhu aysan dooneyn nolosha halkaa taalla macquulna aysan aheyn inuu ku cadaadiyo wax aysan ka raalli aheyn.

Odeygii ayaa ugu jawaabay in asaga uu dhexdooda ka baxo wax walbana uu asaga dhameyn doono gabadhuna uu ku qancin doono in ay guurkiisa aqbasho wuxuu usheegay in arrinkaasi uusan sahlaneyn maalmo koobanna uu heysto maadaama gabadhu ay wax barashadeeda dayacan tahay wax jujuub ahna uusan la maagin sidaa ayeyna ku kala tageen.

Odeygii oo maanka ku haya in muddo gaaban loo qabtay ayaa markiiba uyimid xafsa una sheegay inuu doonayo inuu ka dhabeeyo kaftankiisii guurka ahaa wax allaale iyo wax walba oo ay dooneysana uu usameyn doono kaliyana ay afka uun ka sheegto taa beddelkeedana ay aqbasho guurkiisa maadaama xafsa ayaa mar kale ka diiday una sheegtay sidii hore oo kale in ay dooneyso inay waxbarato dhan walba uu kasoo maray ayuu ugu dambeyn odeygii ku guul
darreystay inuu ku qanciyo arrimihiisii guurka wuxuuna billaabay inuu canaan iyo caga jugleyn kala dul dhoco waxa uuna usheegay inuusan sinnaba ufasixi doonin halkaa ay maxbuus ku ahaan doonto.

Cabsi hor le iyo argagax ayaa xafsa la soo darsay waxa ayna wacday aabaheed una sheegtay wixii ay kala kulantay odeyga iyo sida foosha xun ee uu ula dhaqmayo wuxuu ugu jawaabay inuu wici doono si uu u ogaado sida ay wax ujiraan kuna soo war celin doono xafsa aabaheed markiiba waxa uu wacay odeygii asagoo ku canaantay in si qaldan uu ula dhaqmay asaga iyo gabadhiisiiba odeygii oo ay dhiirranaan ka muuqato ayaana ugu jawaabay in gabadhu ay tolka ka mid tahay haddii uu udiidana uu dacwad ka geyn doono salaadiinta beesha maadaama uu gabdhiisa udiidan yahay.

Xafsa aabaheed oo hadalkaasi aad uga carooday ayaana usheegay odeygii in asaga uusan udiidin gabadha balse ay ayada diiday xoogna uu ku heysto haddii uu go'aankiisaas wax ka beddelinna ay arrinta meel sare gaari doonto wax salaadiin lagu magacaabana uusan garaneyn wixii waqtigaasi ka billowda gabadhiisana uu sida ugu dhaqsaha badan ugu soo diro haddii kalena uu asaga dhabarka uridan doono wixii dhexdooda ka dhex dhaca.

Tolow xafsa maxay ku danbeyn doontaa ? Salaadiinta beeshana muxuu noqon doonaa go'aankooda

#MQMQ 11

Faceebok-geena
SheekooyinJacayl
Miyaan Qirtaa mise wan qarsadaa.

Qaybtii 12aad

Odeygii iyo xafsa aabaheed ayagoo kala careysan misana isu hanjabaya ayey telefannadii kala jarteen xafsa aabaheed waxa uu bilaabay inuu qorsheysto safar deg deg ah si uu gabadhiisa usoo kaxeysto halka odeygiina uu arrinkii dhex geeyay kalfadhigii odayaasha beesha asagoo usheegay in ina adeerkii uu udiidan yahay inuu siiyo gabadhiisa maadaama uu caashaqay arrinkaana uu doonayo inay ka gar naqaan maadaama ay gabadhu ka soo jeedo isla beeshooda uun.

Odayaashii ayaa usheegay in uu gogol dhigo ninkaa gabadha dhalayna loo yeeri doono wax walbana halkaa lagu dhameyn doono odeygii oo qanacsan misana og halka odayaasha laga qal qaalsado ayaa usheegay in maalintaasi ay gurigiisa isugu imanayaan uu dhamaantoodba marti qaadi doono haddii ay gabadhaasi udhiciyaanna uu mid weliba jeebka uqoyn doono odeyaashii oo ay dhoola cadeyn ka muuqata ayaana ugu jawaabay in imikaba ay arrintaasi isku dhan tahay guurkiisana uu sii qaban qaabiyo.

Odayaashii ayaa wacay xafsa aabaheed waxa ayna usheegeen in uu si deg deg ah uga soo qeyb galo shir ay beeluhu isugu imanayaan wuxuuna ugu jawaabay inuu og yahay waxa ay ugu yeerayaan balse uu goor horeba soo safray imikana uu ku soo dhowyahay odayaashii ayaana intaa ka dib bilaabay inay ka arrinsadaan sidii ay ninkan uga dhacsan lahaayeen gabadha qorshe iyo talo ayeyna isla meel dhigeen.

Wax la joogaba waxaa yimid xafsa aabaheed asagoo ku soo dagay guriga mid ka mida odayaashii beesha waxaana loo sheegay in maalin ka dib leysugu iman doono shirkaa uuna ka soo qeyb galo waana uu ogolaaday isla maalinkaaba wuxuu tagay gurigii ay gabadhiisu joogtay waxa uuna la kulmay ayadii oo ay markaasi ka muuqato duruufo aad udaran inta ay ku soo booday ayeyna aabaheed dhabannada ka dhunkatay una sheegtay wixii meesha ku qabsaday.

Wax yar ka dib ayuu yimid odaygii gabadha doonayay markiiba waxa uu arkay xafsa aabaheed salaan ayuuna kula soo booday laakin lagama qaadin taa beddelkeedana xafsa aabaheed inta uu gabadhiisii gacanta soo qabsaday ayuuna lasoo aaday dhankaa iyo albaabkii guriga looga baxayay odeygii oo cod dheer ku qeylinaya ayaana usheegay inuusan bixi karin maadaama laga doonayo shirka beesha wuxuu usheegay inuusan meelna usocon inta uu shirkaasi ka dhamaanayo gabadhiisuna ay la joogeyso halka uu joogo maadaama uusan wixii intaa ka dambeeya ku aamini karin.

Xafsa iyo aabaheed waxay soo aadeen gurigii uu ku soo dagay odeygii guriga lahaa ayaana soo dhoweeyay asaga oo weydiiyay in gabadha leysu heystaa ay middan tahay xafsa aabaheed ayaana usheegay in ay ayada tahay odeygii oo la tacajubay quruxdeeda ayaana usheegay in asaga uu bixin doono wax walba oo uu odeyga kale ballan qaado laban laabkood si xarigga gabadha gacantiisa loo geliyo tii horeba tanaa uga dartay xafsa ayadoo la yaaban hab dhaqanka foosha xun ee odayaashan lagu sheegay kuwii beeshooda idilba matalayay aabaheed oo dareemay in ay jawaab soo wado ayaana usheegay in ay isaga aamusto wax walbana ay asaga udeyso.

Wuxuu xaalku sidaa ahaadaba waxaa la gaaray maalinkii ballanta odayaashii oo dhanna waxa ay iska xaadiriyeen gurigii odeyga maadaama halkaa lagu marti qaaday laakin xafsa aabaheed ma uusan tegin goobta ergo ayaana loosoo diray si ay usoo ogaadaan waxa uu la iman waayay ergadii ayuuna usheegay in uu dareemayo in odayaashu aysan dhex dhexaad aheyn ee ay ninkaasi la jiraan maadaama ay garta ku qaadayaan guriga ninkii ay is hayeen sidaa awgeedna uu uga baaqsaday.

Odayaashii marka loo sheegay arrinkii ayey gareysteen hadalkii waxa ayna si deg deg ah u ilaabeen in ay guri kale hagaajiyaan si garta halkaa loogu wareejiyo sidii ayaana la yeelay ergadii ayaana mar kale loo diray xafsa aabaheed si ay ugu sheegaan in goobtii la beddelay mar kale ayuuna diiday inuu tago eragadii oo yaaban ayaana weydiiyay sababta wuxuu usheegay in haddiiba ay awadii ubeddeleen goobtii uu shirka ka dhici lahaa uu dareemayo inuu meel weyn ka taagan yahay beesha.Ergadii ayaa usheegay in haddiiba uu ogyahay in beesha uu muhiim uyahay sababta uu udiidayo inuu shirka aado wuxuu ugu jawaabay in uu dhamaan odayaasha isugu
timid meesha.,

#MQMQ 12

@SheekooyinJacayl
Miyaan Qirtaa mise wan qarsadaa.

Qaybtii 13aad

Odeygii gabadha doonayay asagoo is dhibsanaya in markii saddexaad oo xiriir ah uu gogol dhigo ayuu oggolaaday maadaama uu ku qasbanaa illeyn nin dan lihi waa tii la yiri madaalo halka xafsa aabaheedna uu fakar dheer guda galay sidii uu ka yeeli lahaa arrinta gabadhiisa maadaama odayaashu ay kaga har heleen in gabadhu uu asagu maamulo.

Si kastaa oo ay noqotase marnaba ma uusan dooneyn in uu gabadhiisa qasbo in ay odayaasha ka gar helaanna waxay aheyd guul darradiisa ugu weyn laakin muxuu sameyn karaa aan aheyn inuu iska sugo xilliga ballanta iyo waxa uu goobta kala kuĺmo oo kaliya halka xafsana ay had iyo jeer weydiin jirtay goorta ay baxayaan iyo halka uu marayo arrinkii odayaasha laakin jawaab iska fudud ayuu siin jiray asagoo ka ilaalinayay runta si aysan uniyad jebin.

Wax la joogaba waxaa la gaaray maalinkii ballanta goobtii kulanka ayaana leysugu yimid odeygii gabadha doonayay ayaana si heer sarey ah usoo dhoweeyay xafsa aabaheedna kuna raali geliyay odayaashii hortooda waana uu ka aqbalay illeyn ma uusan heyn sabab uu kaga diidi karo e shirkii ayaa hore loo sii galay waxa uuna usheegay odayaashii in gabadhiisa uu bixinayo balse uu jiro odey kale oo gurigiisa degan yahay kaa soo asna dhankiisa ka doonaya gabadha sidaa awgeedna ay labada ninba ka wada tirsan yihiin beesha ayaguna ay tahay inay kusoo heshiiyaan cida guursaneysa gabadha maadaama uusan midkoodna xumeyn karin.

Odayaashii oo wada yaaban ayaa mar qura indhaha ku wada jeediyay odaygan kale ee dhankiisa ka doonaya gabadha waxa ayna weydiiyeen sax ahaanshaha hadalkii uu sheegay xafsa aabaheed odeygii ayaana ugu jawaabay inuu saxan yahay isla markaana uu gabadha ka doonayo xujo kale ayaa halkaa uga dhalatay odayaashii oo ah midka loo guurin doono gabadha maadaama labada odeyba ay beesha ka wada tirsan yihiin.

Waxa ay go'aansadeen in ay hanti ku kala saaraan oo midkii hanti badan uhura gabadha uu hantin doono halkii ayuuna gor gortan ka bilowday ilaa uu ugu dambeyn adkaaday odeygii labaad ee gabadha doonayay laakin xafsa aabaheed ayaa usheegay in uusan hanti dooneyn ee uu doonayo in asagana loo guuriyo gabar uu dhalay ninka gabadhiisa guursanaya xujo ayeyna ka aheyd maadaama uu ogaa in odeygu aysan ujoogin gabar gashaanti ah.

Odeygii ayaa sidii la filayayba usheegay in aysan ujoogin gabar gashaanti ah oo uu siiyo sidaa awgeedna uu dhanka hantida kula gor gortamo xafsa aabaheed ayaana ugu jawaabay in hanti in ku filan uu asaguba heysto waxa uu doonayaana ay tahay gabar yar oo uu la aqal galo taasoo afka xirtay odeygii balse waxay fursad unoqotay odeygii kale ee hantida looga guuleystay kaa soo ay ujoogtay gabar carmal ah wuxuuna usheegay in haddii uu gabar uun doonayo ay asaga ujoogto gabar uuna siinayo xafsa aabaheed ayaana usheegay in uusan dooneyn carmal maadaama uu gashaanti bixinayo.

Taana waxay noqotay xujo kale oo af xirtay odeygii xafsa aabaheed inta uu usoo jeestay odayaashii kale ayuu weydiiyay waxa ay yihiin xaal marintii ay ugu tala galeen odayaashii ayaana usheegay in xaal marintu ay aheyd in ay uguuriyaan gabar tolka ah xoogaa xoolo ahna ay uraaciyaan wuxuu usheegay in uusan gabar ka dooneyn taa beddelkeedna ay gabadhiisa uun faraha uga qaadaan tirada xoolaha ay ugu tala galeenna ay iska ceshadaan taa beddelkeedana ay arrimahan uun ka xiraan odayaashii ayaana halkaa ku siiyay gartiisii una sheegay inuu bari yahay uuna bixi karo.

Sidaa ayuu ugu dambeyn xafsa aabaheed uga soo dhacsaday gabadhiisa odeyaashii bahallada ahaa asagoo si deg deg ahna ugu soo masaafuriyay magaalada inta aysan haddana wax is bedelin ugu dambeynna xafsa waxa la keenay magaaladii muqdisho iyo xaafadeedii ay inbadan u hamuun qabtay isbuuc ka dibna waxa ay dib ubilowday wax barashadeedii jaamacdda ayadoo la midowday ardeydeydii hore laakin waxa ay aragtay ikraan oo sidoo kale ku sugan jaamacadda aad ula yaabtay weyna rumeysan weysay indhaheeda maadaama ay maanka ku heysay in ay ka diiday soo laabashada.
Ikraan ayaana ku soo booday saaxiibteed ayadoo salaameysa laakin xafsa oo la yaaban sida ay ku badashay fikirkeeda isla markaana ay ku soo laabatay ayaa weydiisay waxa soo celiyay maadaama ay ku madax adkeyd tahriibka ikraan ayaa usheegtay in isla markii askarta ay ayada kaxeysteenba ay isaga soo degtay gaariga si ay wax uga ogaato waxa ay ku dambeyn doonto xaaladeeda ayadoona kireysatay hotel ay dhowr maalmood ku sugneyd markaasina ay aheyd goortii ay fikraddeedii is badashay iskana go'aansatay inay iska soo laabato maadaama aysan kaligeed sii socon karin.

Xafsa ayaa usheegtay saaxiibteed in ay qaadatay go'aankii ugu saxnaa maadaama ay intaa soo silic iyo rafaad mareen ayagoo aan weliba ka bixin dalkii taana ay uga mahad celineyso wiilkii gaariga la saarnaa oo si fiican uga jaahil bixiyay dhibaatadii ay ka baaqsatay ayna wici doonto dhowaan maadaama uu usheegay inuu magaalada la degan yahay si ay uga mahad celiso badbaadadii uu nafahooda badbaadiyay.

Ikraan ayaa weydiisay saaxiibteed waxa ay intan oo dhan la maqneyd marba haddiu ay reerkeeda uun ahaayeen askartii wadatay xafsa ayaana halkaa sheeko dheer ugu gashay iyo wixii ay halkaa kala kulantay arrimihii odeyaasha iyo sida dhibta leh ee ay uga soo baxsatayba ikraan ayaa usheegtay wax lala yaabo ay tahay in odayaal intaa la eg ay soo damaaciyaan waxa ayna billowday in ay dhankeeda uga sheekeyso wixii isbadal ahaa ee ku dhacay intii ay maqneyd waxayna usheegtay in ay xiriir la yeelatay wiil cusub.

Tolow yuu noqon doonaa wiilkaasi ?

#MQMQ 13

@SheekooyinJacayl
Forwarded from Kooxda Kobcis
🎉🎉 Habeen Wanaagsan 🌌🌌

@KOOXDA_KOBCIS

💡 "Wax Akhrisku waa Furaha Guusha" 🔐
••••••••••••••••••••••••••••••••••••
╔═══❖•ೋ° 🅚︎ °ೋ•❖═══╗
❥︎ Sʜᴇᴇᴋᴏᴏʏɪɴ📚

᯽: @SheekooyinJacayl
᯽: @SheekooyinJacayl
❖ ════ •⊰❂ 🅚︎ ❂⊱• ════ ❖

❥︎ Dʜɪɪʀɪɢᴇʟɪɴ❤️‍🔥

᯽: @Qoraal09
᯽: @Dhiirigalinmaaline12
᯽: @Ifiyaha_Nolosha
᯽: @Boq
᯽: @dhiirigaliyaha_nolasha1
᯽: @
᯽: @wordsbyFariixa
᯽: @Hlganka
᯽: @Meriameriam
᯽: @abditahad
᯽: @furahaGUUSHAnolasha
᯽: @JEES
᯽: @ifinoloshaada
᯽: @Naphizanour
᯽: @sirtaguusha1
᯽: @somalikaah
᯽: @mss_rihaam
᯽: @dhii
᯽: @hoyganoolashachannel
᯽: @dhiirigalinta
᯽: @Kadaa_laco_Akhris87
᯽: @Baro_xadiiskan
᯽: @AMirSHaCraWi
❖ ════ •⊰❂ 🅚︎ ❂⊱• ════ ❖

❥︎ Bᴜᴜɢᴀᴀɢ📕

᯽: @DhigaalBooks 
᯽: @Turjumaad 
᯽: @Ifiyaha1
᯽: @somalibooks10
❖ ════ •⊰❂ 🅚︎ ❂⊱• ════ ❖

❥︎ Xɪᴋᴍᴀᴅᴏ 📌

᯽: @DHIRIGALISO
᯽: @Turjumaad
᯽: @Cilmiyeys
᯽: @Hal_aburnimo
᯽: @Riyooyinkeena56
᯽: @DadweynaHa1
᯽: @Xikmadoiyodhiirigalin
᯽: @Muwaahipbuskudo
᯽: @Xigmadle
᯽: @MURTISIDE
᯽: @garaadkoboc
᯽: @Anwarmedia88
᯽: @unitedsomalifriends
᯽: @IFIYE2222
᯽: @n|n|jez33
᯽: @xulashadah_xikmadah1
᯽: @kabtanhaaraxikmawi
᯽: @Naphizanour
᯽: @fahanguud
᯽: @
᯽: @XIKMAD_MURTI_CHANNEL
᯽: @xikmadside2023
᯽: @Xikmaawi_15
᯽: @Abdullahidhaqane
᯽: @dara@
᯽: @isbedalka_Guusha
᯽: @fordawsafiican1
᯽: @Bintu_Abdinasir
❖  ════ •⊰❂ 🅚︎ ❂⊱• ════ ❖

❥︎ Dɪɪɴɪ

᯽: @wanagmedia
᯽: @saaafi114
᯽: @Quluubta
᯽: @AHLUL_KHEYR
᯽: @kalandarka_Hijriyada
❖  ════ •⊰❂ 🅚︎ ❂⊱• ════ ❖

❥︎ Eʀᴇʏᴏ Jᴀᴄᴀʏʟ 💗

᯽: @QoraalloJacayl
᯽: @FAALO_JACAYL
᯽: @Dhemantt
᯽: @aadan123
᯽: @noloshuwaaguul
᯽: @dareen_hadal
᯽: @Qalpijaceyl42
᯽: @ROYAAL_CHANNL
᯽: @DARYEEL_JACAYL_VIP
᯽: @KALSOONI_DARO_OFFICIAL
᯽: @Darenjaceyl1
᯽: @darajo24
᯽: @jacayl_aan_dhamaanayn
᯽: @waraaqo_jacayl_vip
᯽: @Caashaq
᯽: @SheekooyinJacayl
⸙ ════ •⊰❂ 🅚︎ ❂⊱• ════ ⸙

❥︎ Aǫᴏᴏɴ & Fᴀsᴀʟʟᴏ 🎓

᯽: @DhaqanBile
᯽: @Islamicdigital
᯽: @ZEINPROACADEMY
᯽: @learn_english012
᯽: @aqoonta_kaa_maqan
᯽: @Nu#caym24
᯽: @MUFAKAR1
᯽: @MASKAX_KAAB
᯽: @fahanka6
✫: @kubarosifududcilanka
╚═══❖•ೋ° 🅚︎ °ೋ•❖═══╝
𒊹︎︎︎ 𝗞𝗮𝗻𝗻𝗮𝗹 𝗞𝘂 𝗱𝗮𝗿𝗶𝗱𝗱𝗮 𝗜𝘆𝗼 𝗪𝗶𝘅𝗶𝗶 𝗙𝗮𝗮𝗵𝗳𝗮𝗮𝗵𝗶𝗻 𝗔𝗵 𝗞𝗮 𝗘𝗲𝗴.
@Kooxda_Kobcis


Ku Biidh.↬𖨆 @SheekooyinJacayl
◥▬▭▭▭▭◳◺🅚︎◿◰▭▭▭▭▬◤
🔐🔐 Salaam!
Saaxiibayaal Waxan Idinka Codsanayaa In Aad Kannaalkaan Join Dhahdaan, Oo aad Inoo Soo Cammirtaan 7k waxyar baa Nooga Dhimman Fadlan Nagusoo Biir Oo Nagu Caawi Gaaritaanka Hadafkeenna.

Mahadsanidiin
❤️❤️❤️▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁
Fursad qaali ah ⬇️ 
Ku iibso hal koorso $3
Oo hel hal koorso oo bilaash ah

1. Mobile graphic design   $3
2.Mobile vedio editing        $3
3.saxafada   course           $3    

Hal.koorso ku iibso $3 oo mid kaleh bilaash ku hel

Laxarir👉👉https://wa.me/+252907675198

Ama @Abwaan_Saajac

💻 @TeamKhibrad2023
۞۞۞۞۞۞۞۞۞۞۞۞۞۞۞
᯾ ꜱᴘᴏɴꜱoʀᴇᴅ ʙʏ:
@DhaqanBile
@SheekooyinJacayl
@Turjumaad
@QoraalloJacayl
  ↬❢ Dhammaad ❢↫
Maxaad Ka Taqaan Telegram?

Halkan Waxaad Ka Helli.
XOG KU SABSAN;
1-Cilmiga & Isticmaalka Telegram,
2- Bots-yada Telegram Ee Faaiidada U Leh Soomaalida,
3- Waxyaabaha Lagu Soo Kordhiyo Telegram,
4- Qaabka Loo Sameeyo Channel,
5- Qaabka Loo Sameeyo Bot,
6- Xog Kasta Oo Ku Sabsan Telegram.

Eeg: Maxaa Loo Sameeyey

@S_Telegram252
Miyaan Qirtaa mise wan qarsadaa.

Qaybtii 14/15aad

Xafsa oo ay sheekadaa aad ugu socotay ayaa weydiisay qofka uu yahay wiilka waxayna ugu jawaabtay inuu yahay haashim xafsa oo aad ula sii yaabtay sida ay isku fahmeen ayada iyo haashim maadaama ay ogeyd ayada oo aad ukarahsaneysay dabcan waxa aad dhamaantiin is weydiineysaan qofka uu yahay haashim hagaag haashim waa wiilkii ay safarka kula soo kulmeen ee xafsa ka dhaadhiciyay in ay safarka ka baaqsato oo ay ayadana ka soo qaadatay numberkiisii inta aysan askartu kaxeysan.

Ikraan ayaa usheegtay in markii ay aragtay in ayadu ay askartu kaxeysteen ay go'aansatay inay soo degto balse uu haashim ka codsaday inay siiso numberkeeda si ay isula socdaan sidaana ay ku siisay asagoo wixii maalinkaa ka dambeeyay aad usoo xiriirinayay sidaana uu uga codsaday inay xiriir la yeelato ayaduna ay ka aqbashay xafsa ayaana ugu dambeyn ugu hambalyeysay ayadoo usheegtay in asna ay wici doonto maadaama ay numberkiisa heysato waxay usheegtay in aysan wicin maadaama uu safarkii ka soo laabtay magaaladana uu la joogo dhowaanna ay la kulmi doonto halkaana ay ku tusin doonto xafsa ayaana ka oggolaatay una sheegtay in ay si wacan usoo dhoweyn doonto maadaama uu nolosheeda wax weyn ka baddalay.

Ikraan iyo saaxiibteed oo sheekadu isugu sii baxeyso ayayaa waxa dulyimid ismaaciil oo meel sare kasoo arkay si uu usalaamo xafsa oo ay in muddo ah isugu war dambeysay jawi salaan ah iyo xoogaa kaftan ah ka dib xafsa ayaa usheegtay in uu ka saxnaa maalintii uu ku waaninayay inay ka baaqsato safarka maadaama ay soo aragtay rafaadkii uu ugu sheekeyn jiray ayadoon weliba meel fog gaarin ismaaciil ayaana usheegay in bixitaankeedu ayba ku faa'iday maadaama ay soo dalxiistay indhaheedana kusoo aragtay dhibaatadii uu kaga digay haatanna ay alle mahaddii tahay haddiiba ay nolol kusoo laabatay ayadoo bad qabta.

Intaa ay sheekadu usocoto xafsa iyo ismaaciil ikraan waxa ay ku mashquulsaneyd telkii xafsa oo ay gacanta ku dhigtay ayadoo ka tirtay numberkii haashim in cabaar ah oo ay howlaheedaasi ku mashquulsaneyd ka dib ayeyna la soo qabsatay sheekadii dhex mareysay xafsa iyo ismaaciil ayadoo usheegtay ismaaciil in ayadu xitaa ay go'aansatay inay isaga harto safarka markii ay aragtay ayadoo gaariga lagala dagay si ay ubaadi goobto dhowr maalmood oo ay ku raad joogteyna ay ka quusatay ka dib markii ay weyday sidaana ay isaga soo laabatay ayadoo aad umurugsan.

Ismaaciil ayaa usheegay inay tahay saaxiib aad uwanaagsan oo aan la heli karin maadaama ay xanuunka la wadaagtay saaxibteed awadeedna ay ubadashay go'aankeeda waxayna usheegtay in nafteeda xitaa ay uhuri karto saaxiibteeda maadaama ay aad ujeceshahay uguna kalsoon tahay inta ay xafsa laabta gelisay ayeyna usheegtay in ay tahay sida walaasheed oo kale xafsa oo ay qiiradaasi qaaday ayaana usheegtay sidoo kale in ayaduba ay meel weyn ka taagan tahay nolosheeda aadna ay ugu kalsoon tahay.

Halkaa ayuuna uga sii tagay ninkii ismaaciil ahaa labadoodii ayaana isku kaliyoobay xafsa ayaana usheegtay saaxiibteed in ay dooneyso wiil ay xiriir la yeelato maadaama ay kalinimada ku cidleysay ikraan ayaa weydiisay qofka uu yahay wiilka ay dooneyso in ay xiriirka la yeelato waxay ugu jawaabtay in waqti xaadirkaasi uusan qofna maankeeda ku jirin balse ay raadin doonto midka ku haboon si ay isaga bar bareyso ikraan ayaana ka codsatay in ay usheegto ugu horreyn marka ay go'aansato qofka ay dooneyso si ay uga caawiso waa ballan ayeyna ugu soo xirtay ayagoo sidaa ku kala tagay.

Isla gellinkii dambe ee maalinkaa xilli habeen fiid horaad ah ayaa xafsa oo iska daawaneysa TV uu telkeeda soo shanqaray haddii ay eegtana wuxuu ahaa number aan ukeydsaneyn oo ku cusub waana ay ka qabatay ayadoo salaan ugu bilowday waxa uuna noqday wiil salaantii ayuuna ka qaaday asagoo ula hadlaya sida nin in muddo ah yaqaanna oo kale balse maadaama aysan ayadu fahmin qofka uu yahay ayey weydiisay inuu isku sheego wuxuu ugu jawaabay in ay deg degta faraha badan joojiso haddii uu isku sheego xitaana aysan garaneyn maadaama uu nasiib ku soo galay telkeeda isla nasiibkaasina uu doonayo inay isku calfadaan inta
kahorreysana ay isku bartaan.

Waxay ugu jawaabtay in aysan taasi suura gal aheyn nasiibkiisuna uu xun yahay maadaama ay tahay xaas la qabo tira caruur ahna heysata laakin wiilka oo ahaa nin aysan aftahannimo ku yareyn ayaa usheegay inuu dareemayo in ay been usheegeyso balse uusan dooneyn inuu qasbo laakin ay wacnaan laheyd inay nasiibkooda isu tijaabiyaan waa intaasoo ay noqdaan kuwa isu qanca oo nolol dhista haddii ay noqon weydana wax walba ay iska ahaan doonaan sida ay haataba yihiin xafsa oo ka heshay sida aan caadiga aheyn ee uhadlayo kuna qanacsan qaabka uu wax ufahansiiyay ayaa ugu dambeyn usoo debacday maadaama ay ayaduba baadi goob ugu jirtay wiil ay waqti la qaadato.

Waxay usheegtay in ay moodeysay qof ayada garanaya misana ku cayaaraya sidaana ay ugu sheegtay beenta balse ay imikadan yaqiinsatay inuu yahay qof cusub sidaa awgeedna ay soo dhoweyneyso wiilkii oo aad ugu amaanaya inay tahay qof dabci wanaagsan misana wax garad ah ayaa weydiiyay magaceeda wayna usheegtay ayadoo ku celisay su'aal taa la mid ah wuxuuna usheegay in lagu magacaabo daahir sheeko barasho ubadneyd ayeyna halkii ku wadaageen.

Subixii markii la isugu yimid jaamacadda ayey xafsa uga sheekeysay saaxiibteed ikraan wixii dhacay iyo inay durbaba heshay wiilkii ay dooneysay inay xiriirka la wadaagto ikraan ayaana usheegtay in aan lagu kalsoonaan karin wiilasha noocaasi ah ayna inbadan nafteeda ilaaliso ayna kula talin laheyd haddii ay macquul tahay inay gebi ahaanba iska deyso.,

Tolow xafsa ma qaadan doontaa taladaasi ? Ikraan iyo haashimna maxay ku kala dambeyn doonaan ?



•••𒊹︎︎Waa Muhiim In Aad Ku Biirto Halkaan ||





@SheekooyinJacayl