XOG OGAAL MEDIA🥰
1.57K subscribers
99 photos
9 videos
87 links
Waa Hoy loogu Talagalay In cilmiga lagu faafiyo


fadlan JOIN DHEH 👇
Download Telegram
Forwarded from Philosophy فلسفه 🤔🧠. (🧕🥀Aasiya casayr🥀🧕)
Caashaqa haween waa horaa Caadil soo rogaye
Sayidkii carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye
Caruurtay sideen meesha iyo ciise nabigiiye
Cidla lagama Beermeen dadkoo cuuddi waaxida e
Waxa qaarba cayn looga dhigay hays cajabiyeene
Soomaalida caado xune iguma caydeene
Oo ima canaanateen sidaan cuud ka iibsadaye
Kuwii ii calaacalayey baan camal tusaalayne
Sida weelka caanaha hadii laabta loo culayo
Bal aan soo cidaadee maxaa cunaha dhaafaaya
Curuuqdiyo maxa kale dhex geli cadaha hoostooda
Ma cidaamkanaan jabinayaa cunaya dhuuxooda
Inaanse cadaydo mooyee waxaan calalsho lay diidye
Caqliga yaa ka biin tuu Illaah ku cir-cadeeyey
Cimrigayga oon jirin intii lagu cirroobaayey
Mugga inaan caddaadaan ka biqi canab daraadede
Cududuhu ma naaxaan qofkay talo ku ciirtaaye
Casharkay wadaadu qoreen cudurkan goyn waaye
Cilmi iyo daawaba doontay oo waayey cilinkiiye
Jeeroonse canabeey ku helo caafimaad dhimaye
Inaan caad noqdaa baa ka roon caawa saan ahaye
Illayn caashaq lama maydhi karo kugu cirrooloobay


Maansadii caashaq ee Abwaan cilmi boodhari 😊❤️


@AASIYA_CASAYR
●Haddii aadan ka cabsaneyn ka hor ●intaadan qaadin Tallabo cusub Taasi ●waxay astaan u noqoneysa in ●Tallabadani tahay Hal cabir oo aad ●kuugu yar noloshu waa Tallabo ●Tallabo wax yar yar oo markasta ●qabatid waxay ka fiican yihiin wax ●wayn oo Hal mar la qabto

#subax_wangsan_saxpayaal

@XOGOGAALcom
🎆Qofka noloshiisu waxay qiimo leedahay inta uu qiimo ku kordhinayo nolosha dadka jaceyl, farxad, saaxiibtinimo, naxariis iyo kalsooni

@subax_wangsan_sapayaal

@XOGOGAALcom
Aqoontu waa garasho kasta oo yeelatay Anfac ama sabab la macneyn karo ka dib cilmi la fahmay, culuum, la bartay, fikir la Aqliyay, calaamad, la Xikmaday, Heybad la cuskaday, la dugsaday, waan la cibraday aragti, la cabbiray, camal la daaimay, sannif, la cursaday, cayim, la tajribay Ahna ogsoonaan, gasho nafta wax tar u leh ama wax qabad uleh nolosha

#maalin_wanagsan_saxipayaal
Like saara
@XOGOGAALcom
Habeen kasta oo mugdi ah waxaa ka dambeeya maalin iftìin ah badan culays waxaa ka dambeeya waa fudayd
Alle ayaana kugu imtixanaya si aad ugu guleysato jannadiisa Allah hana dhigo kuwii mar walbo Allah xasuusta

#arooryo_suuban_saxipyaal

@XOGOGAALcom
Forwarded from Xadiiska Maanta
Rasuulku (ﷺ) wuxuu yidhi:«Digri ilaahay la xuso waxa ugu fadli badan (لا إله إلا اللهُ) ducana waxa ugu fadli badan (الحمدُ للهِ).»

❍Xadiis-kan sii faafi, iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso.

Ka mid noqo @XadiiskaMaanta oo ku soo biir siina faafi, https://t.me/XadiiskaMaanta
Geeridu ma sugeeyso Toosnantada Toosnow oo adigu sug Geerida
Waxaan qirayaa nicmada aad korkeyga ku nicmaysatay Waxaan kale oo aan illaahayoow, kuu qirayaa danbigeygii ee ii danbi dhaaf maxaa yeelay cid danbi dhaaftaa majirto oo aan adiga Ahayne
Nabbiga,( SCW ) wuxuu inoo caddeeyay in ducadan qofkii ku ducaysta subaxdii ee dhintaa isla maalintaas jannada ayuu galaya qofkii ku ducaysta galabtana ee dhinta ila habeenkaasna jannada ayuu galay
Allaha Ha naga yeelo kuwo ku ducaysta Allah jannadiisana kuwa gelaya ha nagu daro dhamamnten Amiiiiiiiin

#subax_wangsan_saxpayaal

@XOGOGAALcom
Forwarded from Xadiiska Maanta
Rasuulku (ﷺ) wuxuu yidhi:«Qofka uu ilaahay khayr (wanaag) la doono Diinta ayuu fahansiiyaa.» –Bukhaari iyo Muslim

❍Xadiis-kan sii faafi, iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso. @XadiiskaMaanta
Alxamdulilah maalin wanagsan walalyaal
Indhahaga tijaabi oo so qor Tirada Hal kan ku qoran jaw 😍
Jimco wangsan saxpayaal
Waad mahdsantihin intina jawabta bixisay dadna way qalden dadna way saxen tirada saxda ah waa 45288

#Jimco_wangsan
@XOGOGAALcom
Forwarded from Xadiiska Maanta
Rasuulku (ﷺ) wuxuu yidhi: «Qofka igu salliya hal mar ilaahay baa ku salliya toban goor.»

Ku salli Nabigaaga Muxammed Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaato'e ﷺ.

صَلُّوا۟ عَلَى ٱلنَّبِیِّ ﷺ ...اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ عَلَى نَبِيِّنَا مُحَمَّدٍ.
@XadiiskaMaanta
HOYGA SHEKOYINKA
Kanalkan Hoyga Shekoyin waa kanal aad ka heli donto Shekoyin isugu jira /Jacayl❤️ /Qosol😁 /Taxane↪️ iyo Qoraalo xiiso badan😘

💫👉. Fadlan JOIN DHEH

Owner👉 @IshwaqAqil_bot

https://www.youtube.com/c/ishwaqAqil?sub_confirmation=1
https://t.me/HoygaShekoyinka
Forwarded from 👳‍♂️ JIILKA WACYIGA👳‍♀ (NASRA🧕)
Walaalayaal sii faafiya

Salaad Cabdullaahi Mukhtaar, wuxu ku nool yahay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Salaad, maanta ayaan ku dhax arkay Magaalada Baardheere, wuxuna ka so jeeda qoys dan yar ah, wuxu ii sheegay ama ila wadaagay inuu tagay Magaalada Muqdisho, si loo caawiyo.

Lkn Isbitaallada iyo Dhakhaatiirta qaar waxay u sheegeen in dalka aan waxba looga qaban karin balse dibedda in si Deg deg ah, loo qaado ayay u sheegeen wuxuuna dib ugu so laabtay Magaalada Baardheere.

Salaad waa wiil 12 sano jir ah, sida aad aragtaan afka ayaa buro ugu taallo muddo dhowr sanno ayuu la xannuunsan yahay wuxu nooga baahan yahay caawin deg deg ah, waa wiil yar oo garab nooga baahan waana rajeyna inaad caawin doontaan.

Kala xiriir: 0613119552
U ogolow naftaada inaad dhacdo Hadana kacdo waayo waaya aragnimadu waxay Timaadaa markaad is barataan dhibaatada

#subax_wangsan_saxpayaal

@XOGOGAALcom
Forwarded from Xadiiska Maanta
Nabigu (ﷺ) wuxuu yidhi:«Ma jiro maalmo camal wanaagsan oo la sameeyo looga jacayl badanyahay ilaahay xagiisa tobankan maalmood dhexdooda camalka la sameeyo.” Saxaabadu waxay Nabiga waydiiyeen: Xataa jihaadka ilaahay jidkiisa lagu jihaado! NABIGU wuxuu yidhi: “Haa xataa jihaadka waa ka fadli badantahay, hal nin mooyee ninkaasoo xoolihiisii iyo naftiisiiba goobta la tegay ka dibna aan waxba la soo noqonin.»
Hambalyo hambalyo maalinta calanka somaliyed 26 June 🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🥰

@XOGOGAALcom
Ha raadin qof qurux badan lakin raadi qof ka dhigaya noloshaada qurux

#Arooryo_suban_sxpyaal

@XOGOGAALcom